Waxaan horey idiinku balan qaadnay inaan idiin soo gudbin doono taariikhda magaalada ku xigta Gunagado, dhinaceeda Qorax u dhac miyaad garatay!.
Waxaan filahayaa inaad la yaabtay magaca SIIBI, hase yeeshee halkan waxaa kasoo dhawaaday Magaalada leh taariikhda ganacsiga xoolaha nool ee GARBO, oo kutaala Gobolka Fiiq ama Nogob niin walba siduu u yaqaano.
Hadaba waxaan maanta qormadanadaan kusoo qaadanaynaa magaalada Garbo, ee horta waa magaalo sidee ah?. Bal aan dhagaysano ninkan Odayga ah oo hadda kunool magaalada Godey.
Waxaad kasoo dhaqaaqdaa Magaalada Godey, boosteejada weyn ee suuqa reer Maxamuud Faarax ama (Oriteeshinkii hore), oo aad maalin walba kaheli karto, gaadhi taagan oo sii marahaya Garbo. Inta badana waxuu baxaa niska danbe 5ta galabnimo, waxaad usii socotaa xagaas iyo jidka dheer ee sii mara Jiirta Bookhate, isla fiid kiiba waxaad gaareysaa tuulada degmada u qalanta ee Hadhaawe, qiyaastii 8.00pm habeenimo waxaad joogtaa magaalada Dhanaan, oo ay dadku kasii casheeyaan.
Isla markiiba baabuurta way kasii guuraan oo waxay jecel yihiin inay sii guuran, maadama ay ka cabsoodaan inay ciidamu Gidhaashaan, marka si degdeg ah ayayna ugu an babaxaan dhinaca ceelka Shiile iyo Burqayar, wax yar hadii aad socoto waxaad gaadhaysaa wadadii caanka ahayd ee "Habaar Waalid", waxaad sii maraysaa MARAMAYDH, in yar kadibna waxaad soo gaadhay YOOCAALE, wax yar kadibna waxaad gaaraysaa magaalada GARBO.
Hadaba GARBO maxay caan kutahay?
Markii aad maqasho GARBO waxaad xasuusan Magaaladii la oran jiray MALAYKO oo baryahan dambe magaceeda iyo muuqeedii la waayey. Hadaba GARBO waxaa la aas-aasay 1977 markii dagaaladii lagu gubay Magaaladii qadiimiga ahayd ee MALAYKO, ayay GARBO dhalatay iyadoo muddo dheer ka tirsanayd Degmada SAGAG, kadibna waxay qaadatay magacan degmada GARBO sanadkii 1996 aakhirkeesii iyadoo baarlamaanka kiliilka ay cod buuxa ku ansixiyeen inay GARBO Degmo buuxda noqoto.
Waxaa kaloo Magaalada GARBO caan ku tahay saylada xoolaha Ogaadeenya lagu kala gato. Sidoo kalena waxaa la dhihi karaa waa meel ay xooluhu si fiican ugu dhaqmi karaan. Degmadan oo ka tirsan Gobolka Fiiq ayaan xidhiidh isgaadhsiin wado aysan kajirin, marka laga reebo wadada tagta SAGAG mooyeeyn.
Waxaa kaloo hal kudhag ahaa "Garbo Laydh Maleh", laakiin hadda waxaa laga sameeyeey mashruuc koranto galin ah oo aan wali dhamays tirmin iyo waliba iyadoo leh dad aqoon yahano ah oo udhashay magaaladaas oo ka dhisay iskuullo wax lagu barto, kuwaaasoo ka waxbarasho fiican magaalooyinka waaweyn ee ku yaalla Ismaamulka Soomaalida Ogaadeeniya. Talaabadan ayaa ah mid xagga hore loo qaaday oo mudan in aqoon yahanada deegaanada kale ay ku daydaan.
Hadii aad doonayso inaad wax kabarato Magaalooyinka dhulkaada hooyo ee ha u deeymo la aaniin ee mar walbaba la soco websiteka Godeynews.com oo qormooyinki hore idinku soo gudbiyay taariikda magaalooyinka Gunagado iyo Dhanaan.
By Bayaxoow, Godeynews.com JigJiga.
|