Munaasabad qado ah oo ayaa maanta madaxda DFKMG ah ee Soomaaliya waxaa loogu sameeyey tuulada Roox ee ku taal duleedka Magaalada Gaalkacyo.
Xafladan ayaa waxay tahay mid qado ah waxaana loo sameeyey Madaxweyne C/laahi Yuusuf, Gudoomiye Shariif Xasan, Ra'isalwasaare Geedi, Wasiirka Hawlaha Guud Cismaan Caato iyo xubnaha kale ee DFKMG ah ee Soomaaliya, iyo waliba xubnaha kale ee maamulka Xukuumada Federaalka iyo Maamulaka Putland.
Odayaasha dhaqanka ee deegaankaasi ayaa ku martiqaadey masuuliyiintan xafladan qadada ah taasi oo ku aadan sida loogu faraxsan yahay in xubnihii ugu sareeyey Dawlada ee horey khilaafku uga dhex aloosnaa ay iminka hal miis kuwada qadaynayaan.