JigJiga: Ardey Lagu Qiyaasay 500, oo Barito U dareeraysa Imtixaamkii Jaamacadda ee (Alemaya University)
Wararka kasoo baxaya Magaalada JigJiga ayaa sheegaya in barito oo taariikhdu tahay 12/02/06, uu ardayda u bilaaban doono imtixaamkii Jaamacada (Alemaya University Distance Education) semesterkeedii koowaad.
Sida lawada ogsoonyahay waxaa in badan lagu eedeyeey dadka ku nool ismaamulka Soomaalida Ogaadeenya inaynan lahayn aqoon ku fulin oo wax ku maamuli karaan. Balse markii la eego sanadkan 2006, ardayda Jaamacadaha Ethiopia oo kaliya ku jira ayaa lagu qiyaasay 6500 oo arday, halka JigJiga Alemaya University aay dhigtaan 500 arday, kuwaasoo intooda badan kasoo jeeda Soomaalida Ogaadeeyniya.
Hadaba waxaa wax lagu farxa ah inay aad usoo badanayaan ardayda kasoo jeeda deegaanka soomaalida ee sanadba sanadka kasii danbeya kusoo badanayaa Jaamacadaha wadanka gudihiisa ah iyo kuwa dibadaha ka helaya deeqda waxbarasho.
Hadii aan nahay bahda Godeynews.com waxaan ardaydan ku boorinaynaa inay halkaas kasii wadaan dadaalka ay oogu jiraan inay kor oogu qaadaan tayadooda waxbarasho.
Sidoo kale, waxaa kaloo isa soo taraya baahida dadka deegaanku ay u qabaan sidii kor loogu qaadi lahaa tayadooda waxbarasho waa in Jaamacado laga sameeyo magaalooyinka waaweyn ee Ismaamulka Soomaalida Ogaadeeniya sida Godey oo 1 sano ka hor dawladda Fedaraalku sheegtay inay Macahadka Beeraha ee Godey oo hadda heer Diploma ah ay 4 sano gudahood laga dhigi doono heer Jaamacadeed.