Soomaalida Ku nool South Africa iyo Dhibaatada Loo Gaysto
Soomaalida ku dhaqan wadanka Koonfur Africa, oo tira ahaan aad u fara badan inkastoon latira koobin oo aan lahaynin tiradooda oo rasmi ah ayaa hadana waxay gaarayaan kumanayaallo, ayaa waxay wadanka Koonfur Africa kala kulmaan dhibaatooyin aad u fara badan.
Dadku waxay wadanka usoo galeen si xawli ah, waxaana lasheegayaa inay 50% ay yihiin dadka kasooqaxay dhanka wadanka Ogaadeniya,taasooy u sabab tahay dhibaatooyinka kajira wadanka sida abaaraha iyo dagaalka.
Dadka ku dhaqan wadanka intoodabadan waxay kunool yihiin meelaha tuulooyinka ah, waxaana sababay iyagoon aad loo tix galinin xuquuqda bini aadninimo ee ay leeyihiin. Arintan ayaa sababtay inay bishiiba dhintaan dhowr wiil oo ay xabadi disho, taasoo caadi ahaan dad badan xabad u dhintaan wadanka intiisa kale, laakiin meelaha ugu daran ayay soomaalidu joogaan.
Inkastoo dadku ay soo doonteen nolol ka wanaagsan tii ay kasoo tageen, ayaad hadana moodaa inay soo kartay dhibaatadan, maadaama ay markii horeba wax yaabahan oo kale ay kaga soo tageen wadamadoodii ay kasoo qaxeen. Waxaa wariyahaanaga Godeynews lakulantay laba wiil oo kasoo jeeda Soomalida Ogaadeniya, oo kala ah 1-Deex Ahmed Dheere iyo 2- Cabdi Ahmed Sanweyne waxayna iisheegeen inay joogitanka meeshan ay kadoor bidayaan inay ku noqdaan dhulkoodii hooyo ee Ogaadeniya.
Ugu danbaystii dowlada wadankan ayaan xilba iska saarin dadkan maganta u ah ee qaxoontinimada ugu nool dalkeeda, isla markaana ma muuqato wax is abaabul ah oo dadka Soomaalida ahi kaga hortagaan dhibaatadan lasoo gud boonaatay ama si lafahooda kubad baadiyaan, balse waxaa maalin kasta soo gala koox cusub.