Waxaa in mudo ah socday kulamo salaadiinta ka soo jeeda magaalada Hargaysa ay la yeelanayeen maamulka Riyaale kaahin iyo golihiisa wasiirada si ay uga dhaadhiciyaan sii daynta dhalinyarada ka soo jeeda somalida Ogadenia oo in mudo ah ku xidhnaa xabsiga magaalada Hargaysa.
Warar ku dhowdhow ayaa waxay sheegayaan in wax-garadka iyo cuqaasha waqooyiga somaliya ay qaateen mooqif ay kula xaajoonayaan maaamulka la baxay soomalilan markaa ka dibna guurtida Soomalida Ogaadenia.
Waxay marka hore ka dalbadeen madaxweyne Riyaale kaahin inuu sii daayo maxaabiista lagu haysto haysto halkaas isla markaana ay salaadiinta Ogadenia ka dalbadaan magdhow baabuurtii lagu gubay dhulkaas. Inkasta oo kulanka Riyaale iyo salaadiintu uu ahaa mid erayo kulul la is dhaafsaday hadana wax muuqda kama soo bixin.
Waxaad moodaa inuu jiro farqi balaaran oo u dhaxeeya qaabka ay bulshada somalida Ogadnia u arkana in loo xaliyo xilaafka ba�an ee u dhaxeeya labada dhinac iyo habka ay Somaliland rabto. Waa marka hore, golaha guurtida Ogadenia ayaa aaminsan in la abaaro sababta ku dhalisay in la xiro wiilal dhalin yaro ah oo aan hubaysneyn isla markaana socoto ama safar ah.
Waxaa kale oo ay guurtida Ogaadenku u arkaan inay ahayd daandaansi ujeedoyin badan leh, colaad gardaro huwan loogu muujinayay oo si badheedh iyo ula kac ah loo sameeyay, maadaama qaabkaas ay u arkaan waxay dalbanayaan in salaadiinta Hargaysa runta ku soo durkaan oo ay faahfaahin ka bixiyaan sababta dadkaa ku xiran Somaliland illaa hada loo haysto. Waxaa iyadana intaa dheer beelaha ka soo jeeda waqooyiga Somalia oo guurtida Ogaadenku ka dalbanayaa magdhow dhalinyarada halkaas maxaabiista ku oo aad loo jir dilay, iyo wiil ka mid ah dadkaa xiran oo u dhintay jirdil lagu sameeyay loons diiday in la daaweeyo, geeridiisii ka dibna diaba la isaga soo tuuray.
Waxgaradka Ogadenia ayaa waxay u arkaan inaan wali talaabo muuqata laga qaadin cida xaqdarada ku haysata dad shicib ah oo waxay sameeyeen aysan jirin. Waana sababtaas mida keentay in lagubo baabuur ka badan 64 gaadhi oo laga lee yahay Somaliland, inkastoo ay taasi jirto hadana isuma dhigmaan baabuur la gubay intay doonaan ha la ekaadaan iyo nafta bani�aadanka, intii la haystay dadka u xiran somaliland, maamulka general maxamed cumar cismaan madaxda u yahay waxa qaaday ilaa sadex isku day oo lagu badbaadinayo colaad dhexmarta labada shacab ee walaalaha ah.
Marka hore waxaa uu la kulmay salaadiin boqoro iyo waxgarad kale oo ka soo jeeda ururka SNM ee Somaliland, waxuuna ka codsady in dadkaa shicibka ah la iska sii daayo, mudo ka dib waxay ergadii cadaysay inay arintu ku adakaatay oo aanay awood u lahayn siidaynta dadkaas. Iskudayga kale ayaa ahaa koox wasiiro ah oo ka soo jeeda maamulka Somaliland markan, waxay wasiirada ka koobnaayeen, kuwo abti loo yahay, qaar xidid qaraabo ah iyo waliba laba ilaa sadex ka soo jeeda gobolada sool iyo sanaag si amuurta qaab qabiil loogu xaliyo, waxayna qabsadeen mudo dhan laba bilood, lix bilood ka bacdi waxay cadeeyeen inanay garanayn cida haysata maxaabiitan iyo sababta loo haysto, waxay intaa ku dareen inaanay haynin jawaab cad oo u cuntanta ehelada iyo qaraabada dadka xirxiran.
Waxaa kale oo jiray, in la abaabulay dhamaan haweenka somalida ogadenia ee u dhaxay dadka reer waqooyiga ah, kuwaasoo u tagay maamulka Somaliland kana codsday in la baajiyo colaad iyo godob si fudud lagu galo oon cidna dan u ahayn, waxay haweenkaas xasuusiyeen masuuliyiin ay ka mid yihiin wasiirka arimaha gudaha, madaxweyne ku xigeenka, wasiirka maaliyada iyo gabdha Adna oo ay iyada haween ahaan u abaareen in cida dulmani tahay haweenka soomaaliyeed maadaama gabdhuhu u dhaxeen Somaliland isla markaana ay la dhasheen kuwa xabsiga cadaalada darada loogu haysto.
Hadaba maadaama ay intaasoo dhami soo dhacayeen wax ka suurtoobayna aanay jirin waxaa General Maxamed cumar Cismaan iyo ururka uu hormuudka u yahay laga filayay inuu qaato talaabadii shacabaka soomalida Ogadenia ka filayay marka laga reebo niman dhalinyaro ah oo iyagu iskood isu abaabulay oo gubay baabuur, waliba kuwii watay la badbaadiyay, waxay taasi muujinaysaa in heerka nabad jecaylku iyo walaal nimadu ka gaar siisan tahay dadkaas soomaaliyeed ee dowlada Ethiopia ku hoos nool.
Hadaba xiisaada dhawaan ka aloosantay deegaanka magaalada dhagaxbuur ayaa xaalada sii hurisay iyadoo laba jilib oo wada daga deegaankaas ay isku dhaceen ayna illaa hada la sheegay iny ku dhinteen laba qof. Ciidamo beelood ka soo jeeda beesha reer cali reer- isaaq ayaa ku sii qulqulaya jiida hore oo la isku horfadhiyo, waxaana wali la isku afgaran la �yahay in hashiis laga gaaro sidii loo soo af jari lahaa colaadaa cusub ee deegaanka ka soo cusboonaatay. Ururka ONLF ayaa u arka labada dhanba chacab ay xuquudooda kaga maqan dowlada Ethiopia uraadinayaa, iyagoo lagu dhaliilayo inay dadka shacabka ah ee maamulka soomaliland gardarada ku hayso aan wax jawaab ah ka bixin, faysal cali waraabe oo ka tirsan masuuliyinta xisbiyada ka jira Somaliland ayaa bilowgii bisha feberaayo ku baaqay in maamulka Somaliland la dagaalamo dadka ku dhaqan deegaanka somalida ogadenia, isagoo dadka halkaa dagan ku tilmaamay inay yihiin reer Somaliland.
Madaxweynaha kililka Mudane cabdullahi xasan Lugbuur oo dhawaan booqasho ku yimid dalka Canada oo wax laga waydiiyay hadalka ka soo yeedhay Faysal C. Waraabe ayaa sheegay inuu amuurta Somaliland aad ula socda, maamulka magaalada jigjigana uu isha ku hayndoono xaalada xuduuda u dhaxey ismaamulka somalida ehtiopia iyo taliska hargaysa waa sida uu hadalak u dhigaye , Mudane Cabdullah Xasan Lugbuur ayaa carabka ku dhuftay inaanu ogolaan doonin in dad u dhashay ismaamulka somalida ethiopia loogu yeero Somaliland, amuurtan oo sida uu xusay uu dhawaan kala hadlay dowlada dhexe ee Ethiopia, isla markaana uu amar buuxa ku qabo in talaabada ugu haboon laga qaado.
Si kasta arintu ha ahaatee waxaa muuqda isfahan daro sii kordhaya oo wata duufaan colaadeed, waxaana lumaya dulqaadka somalida Ogadenia ee ku aadan magaalooyinka Hargaysa, burco Illaa barbra. Dhamaadkii bishii hore ayaa afar baabuur oo lagu qabtay deegaanka fiiq waxaa ka mid ahaa mid laga leeyahay magaaalada Boorama, baabuurkaas ayaa markii laga war helay lahaanshihiisa umada reer boorama la sii daayay, loona sheegay inay ka ganacsan karaan kayigan, isagoo wax dhib ah loo gaysan halka sadexdii kale oo laga helaa burco iyo hargaeysa la gubay, waxay dhacdadaasi ka turjumaysaa in dadka ka soo jeeda boorama aan wax dakana ah loogu haynin dhulka ismaamulka somalida, kaliya la raadinayo baabuurta ka imaanaysa Hargeysa illaa Barbara.
Madaxweyne ku xigeenka Somaliland ayay aad ugu fogaatay colaadan, isagoo qaar ka tirsan salaadiintii dhawaan kula kulanatay magaalada Hargeysa isaga iyo Riyaale Kaahin u qaabilay qaab ayna jeclaysan islmarkaana ka cadhaysiiyay qaar ka mid ah salaadiintaas, mid ka mid ah cuqaashii la kulantay madexweyna ku xigeenka ayaa ku yiri � colaad iyo nabad midna waxba kama taqaanid, waayo hadaad ogaan lahayd waxay nabadu gasho uma aadan gurbaan tunteen dagaal, marka adeer gaabso�.
Marka la isku soo wada duubo xaaladaha cakiran ee ka taagan guud ahaan agaas ayaa culays ku ah salaadiinta labad dhinac ogadenia iyo Somaliland, waxaase jira dareen isa soo taraya kana imaanaya shacibka somalida ogadenia oo ah in beesha Hargaysa aan wali lala xisaabtamin, waxa hada laga codsanaya oo kaliyan ay tahay in hadii ay Hargaysa u diideen shacab ka soo jeeda Somalida Ogadenia ay baabuurtooda ka joojiyaan oo ayna isku dayin inay ka ganacsadaan dhulkan ismaamulka somalida ehtiopia, mar hadii nabadii halis gashay in la kala joogo si loo yareeyo dhaawac sii fogaada oo ku yimaada xiriirka dhaqan dhaqaalee ee u dhaxeeya labada umadood ee walaalaha ah.
Samatar Amiin Bade RSTV online.com [email protected] [email protected]
|