Abaarta ka taagan deeganka Soomaalida Ogaadeeynia ayaad moodaa mid la mid ah tii sanadkii 2000 ka dhacday deegaanka soomaalida. Hayadaha ku sugan deegaanka ayaa waxay kasii dayrin hayaan dhibaatada abaartan oo saansaan adag marba marka ka danbeysa sii yeelanaysa.
Hadaba dadkii beeralayda ahaa ee kunoolaa magaalooyinka Qalaafe iyo Godey ayaa sida lasheegayo dib ugu laabtay beerahoodii ayagoo beero fara badan matoorada biyaha kusii daayay, si ay balka usoo guraan, kaasoo hadda qiima aad u sareeya lagu kala gato. Dadka xoolaha ku haysta magaalooyinka dhexdooda iyo hareerahoodaba ayaa aad ugu baqaya xoolahooda inay abaarta dhaafiso.
Marka si ay daaq ugu helaan ayaa waxaa 75% dib dadku xoogga usaareen abuurista beeraha balka, oo hadii la gadanayo qiima fiican lagu kala gato, hadii kalena ninkii xoolo leh uu ku badbaadinayo xoolihiisa.