Shirkan oo biloowday sabtidii aan soo dhaafnay ayaa isagoo arimo badan lagu korfeynayo hadda marahaya xilli gaba-gabo ah. Shirkan ayaa waxaa kasoo qayb-gelay aqoon yahaniin kala gedisan ee heer kiliil ah, kuwaasoo si qoto dheer oo hadana rayiga dawladda waafaqsan uga wada hadlayay.
Waxay ka hadleen arimo ay kamid yihiin sidii shaqaalaha kala gedisan ee dawladda dhamaantood xisbiga loogu dari lahaa ama markay ugu xun yihiin ay ka qayb qaataan arimaha lagu hormarinayao xisbiga talada ka haya deegaanka soomaalida. Sidoo kale waxaa lagu soo qaaday waxa laga sameynayo jabhadda ONLF oo dad badan oo deegaanka ah ay ku eedeeyaan inay ka danbayso arimaha nabad galyo xumo ee ka jira meelo kamid ah Ismaamulka Soomaalida Ogaadeeniya.
Shirkan ayaa daba socday shirka hore ee hadda ka hor ka dhacay haallka shirarka(TTI) ee magaalada JigJiga, kaasoo isagana lagu qiimeynayay maamulada degmooyinka iyo laamaha nabad galyada ee deegaanka soomaalida Ogaadeeniya.