Godey: Warshadii Saxan-saxo Godey oo hawsheedii si habsami leh u wada
Warshadii ugu horeeysay ee noocan oo kale ah oo dhulka Soomaalida Ogaadeyniya laga hirgaliyo ayaa waxaa muddo hadda laga joogo 2bilood ay ka hawl gashey Magaalo madaxda Ogaadeyniya ee Godey.
Warshadan ayaa waxaa iska leh labo muwaadin oo reer Ogaadeyniya ah oo u dhashey magaalada Godey muddana qurbaha ku noolaa, hase yeeshee go,aansadey inay dhulkoodii hooyo ay maalgalin ku samaystaan, maadaama uu yahay dhul dhinac kastaba ka dihin oo aan hadda ka hor dhinac ganacsiga casriga ah aan wax isku day ah oo quman laga sameynin.
Taas waxaa kuu cadaynaya masuuliyinta shirkadda Saxansaxo ayaa waxey sheegayaan in dadweynaha kunool Godey ay arinkan maal-gelinta ah aad ugu diirsadeen oo xitaa si qiyaastoodii hore ka fog ay dadku u gadayaan biyaha sifeysan ee warshaddu maalin walba soo saarto, mararka qaarna ay is gaarsiin la yihiin. Masuuliyiintan shirkadda Saxansaxo ayaa waxay ku tala jiraan inay sii kor usii qaadaan tayada wax soosaareed si ay magaalooyinka kale u gaarsiiyaan biyaha ay warshaddu soo saarto.
Sidoo kale waxaa la saadaalin hayaa inay suuq la,aan kudhici doonto biyahii kasoo gudbi jirey dhinaca Soomaaliya iyo waliba kuwii ka imaan jirey gudaha Ethiopiyada hoose oo dadku qaar ku sheegi jireen inay yihiin biyo aan si fiican loo sifeynin ama uu liito dhadhankoodu.