HEESTAN MA XUSUUSTAA!!!! "QAMUUNSII U QANBIYOO QUDKII KAGO,AY QARAW KAMA BAXEE"
Hadii aad wali xusuusato qormoyin kaanagii hore ee aan kaga hadlayney taariikhada dhulka Soomaalida Ogaadeeniya ayaan wali dhexda kaga jirnaa, ee horta ma xusuustaa erayadaa kor ku qoran iyo meesha ay ka hadlayaan?
Magaalada Qalaafe markaad ka eegto dhinacyo badan sida taariikhda qadiimiga ah, Bilicda, Beeraha iyo ilbaxnimada dadka deegaanka oo aad u sareysa ayaa waxay Qalaafe noqoneysaa magaalada kaliya ee ismaamulka Soomaalida ee isku darsatey hibo, dhaqaalle iyo taariikhba .
"QAMUUNSII U QANBIYOO, QUDKII KAGO,AY QARAW KAMA BAXEE--------- -----QAB QABOWGA WEBIGIYO QALAAFE KU DHALATEE" -----QAB QABOWGA WEBIGIYO QALAAFE KU DHALATEE"
Marka akhristayaal ha udeymo la,aanin tariikhda dhinacyada badan taaban doonta ee Magaalada Qalaafe.