GodeyNews.com
......News and Views From Around the World
.
.


Home
| Submit News | Forum | Contact

Welcome!
Main Menu
Somali Links

BBC
11:00 - 11:15
14:00 - 15:00
18:00 - 18:30

Afdheer.com
•Allpuntland
Dhanaan.com
Doollo
•Faafan.com
GedoNet.com
GodeyOnline
•Halgan.net
•Hiiraan.com
Jijigawe.com
markacadey
Ogaden.com
Ogadennews
OgadenSun
•PuntLandPost
Qabridahare
Qalaafe.com
RadioFana
Somaliwide.net
•Somalitribune
•Somaliweyn
•S/galbeed.com
•SomaliHerald
•SomaliTech
Somalistate
Wabishabeele

Wardheer
XamarNet
Xaajo.com

 
Other Links

Al-jazeera
IrinNews
Reuters
Guardian
The Times
WashtonPost

Aflax
Al-Islam
IslamCity
IslamicFinder
IslamOnline
IslamWay
Mpacuk.org

Reuters

 
Hulugho: Hawlgal balaaran oo laga wado deegaanka Jooray ee Degmada Badhaadhe

Waxaa in muddo ahba jirey dhaqdhaqaaq siyaasadeed iyo dib isu abaabulid ay wadeen masuuliyiin sarsare, ganacsadayaal, aqoonyahan, iyo odayaal u dhashay deegaanka Joorre, khaastan deegaamada hoos yimaada degmada Badhaadhe ee Gobalka Jubbada House.

Dhaqdhaqaaqan ayaa lagu doonayaa sidii wax looga badali lahaa xaaladda siyaasadeed iyo dhaqan dhaqaale ee deegaanka Joorre, oo leh kheyraad aad u badan oo qaarkiis dabiici yahay sida Dakedo iyo xeebo dhaadheer, dhul beereed, webi-yar, jasiirado dhawr ah iyo waliba xaduudka wadanka kenya oo deegaankaas ku gaaran.

Markaad fiiriso xaduudka dhinaca badda ayaa waxaad arkeysaa in magaalooyinka Lamu iyo Raaskambooni aysa wax badan isu jirin. Halka dhanka kalena magaalada Kulbiyow ay qadar yar uun u jirto magaalada Hulugho oo ka tirsan degmada Ijaara ee Gobalka waqooyi bari.

Sida ay lasocdaan dad badan oo deegaankaas kasoo jeeda ayaa waxay ogyihiin inuu dhulka yahay mid hodan wax kastaba ku ah laakiin aan dadka deegaanku aysa sidii la rabay iyo si kudhaw toona uga faa,ideysanin sababo fara badan dartood, hase yeeshee waxaa hadda lagu guuleystay in la isku xiro labada bulsho ee walaalo ah ee xuduudku u dhexeeyo. Sidoo kale waxaa la isla qaatey in ganacsatada ku dhaqan degmooyinka Gaarissa iyo Ijaara ay maal gashadaan dekadahan dabiiciga ah oo ay wax kala soo dagaan si ay deegaaka laftigiisu ay wax ugu tarto dhinaca dhaqaalaha.

Dhibaatada ugu bada ee hadda ka jirta deegaanka Joorre ayaa ah xaalufinta dhirta, taasoo ay sameeyaan dadyoow ka yimid dhul aad uga fog Gobalka Jubbada Hoose. Xaalufinta dhulka iyo nabad galyada xumida guud ayaa sababtay inay dad badan ka barakacaan deegaamadoodii una gudbaan dhinaca xuduudka Kenya oo ay ka helayaan waxbarasho, caafimaad iyo nabad galyo.

Hase yeeshee dhaqdhaqaaqan danbe ee hadda deegaaka degmada Badhaadhe laga wado ayaa xoogga la saarayaa dhiaca nabadgalyada iyo ka faa,iideysiga kheyraadka deegaanka sida dekadaha, waxaana illaa iyo hadda si fiican loogu guulaystay in laga dhaliyo nabad galyo buuxda, mar dambana aynan dhiceynin in faragalin lagu soo sameeyo deegamada degmada Badhaadhe.

Sidoo kale waxaa hadda lagu hawlan yahay sidii maamul rasmi ah oo loo dhan yahay loogu samayn lahaa degmada Badhaadhe, si uu ula jaanqaado haday noqoto in ismaamulka gobaleed loo sameeyo goballada Jubooyinka ee dadka Absamuhu u badan yihiin.


PS. Waxaan dib idinku soo gudbin doonaa magacyada guddiga ku hawlan socodsiinta iyo hirgelinta hawsha lagu hormarinayo deegaaka Joorre.

By Abdirisaaq,
Godeynews.com
Hulugho-Kenya.

PRINT THIS ARTICLE
�Godeynews.com

 



Make Godeynews default homepage 

Godey_Foundation
 
Maqaal / Aragti
Dadkaaga oo aad leysaa darajo laguma gaadho Abdi Illeyow. Qore Nuur Gacamey 02 Nov 2024


Xabashida Oo Ka Qeyb Gashay Qaybsigii Afrika by Haldhaa. Qore Mohamed-Deeq Abdimadar �Haldhaa� 01 Nov 2024

BAYDHABO WAA LA XOREYNI. Qore: A. M. Yusuf 28 Oct 2024

In Memory of the Dervishes of Somaliya. By Arte Moallin III 27 Oct 2024

Talo siin Dadweynaha reer Puntland. Qore Cali Jaamac Cali 27 Oct 2024

Hangaraarac luug uma dhutiyo. Qore Nuur Gacamey 16 Oct 2024

GABAY: Waxaan ugu jawaabayaa ninkii usoo jawaabay gabaygii Abshir Bacadle ee kusaabsanaa qabsashada magaalada Kismaayo. By Cabdi Galadiid 13 Oct 2024

Sideeynta Ciid Daahir Faarax iyo xabsi kusii haynta Mahadi Ayuub maxay kuumujineysaa.? Qore Nuur Gacamey 12 Oct 2024

Nimaanan Shantaada Kaa Celinin Sharci Kaama Celiyo. Qore Ugbad Cabdullaahi 12 Oct 2024

The Clumsy words from ogadenonline editorial board. By A Hassan 05 Oct 2024

Ujeeddo: Ogaden Student Forum oo Cambaareyay Afduubkii loo gaystey Radio Xoriyo. 04 Oct 2024

Sheekh Xasan Turki oo Laad Yar ku Salaxay Barre Hiiraale. Qore Cabdi Miriq 01 Oct 2024

Taageerida xoogaga maxkamadaha ee la wareegay Jubbooyinka waa arin aan loo kala hareynin. [Qore: Ugbaad Cabdulaahi] 01 Oct 2024

Xawaaraha Kacdoonka Shacabka Somaliyed iyo Rajada Midnimada Wadanka laga Qabo. [Qore. Eng. Abdulkadir Abiikar]: 01 Oct 2024

Jaaliyadda Absame ee Bristol UK oo katala bixineysa qorshaha cusub ee beesha Absame. 30 Sep 2024

<< Previous 1 2 3 4 5 6 7 8 Next >>

 

 

     
       

Home | Submit News | Forum | Contact
All Rights Reserved. 2005. GodeyNews.com