Jaalliyada South Africa ee kasoo jeeda gobolka Jorre ee Jubbada Hoose ayaa Isbitaal dhagax ah ka hirgaliyay magaalada Kulbiyow ee gobolka Jorre.
Ururka Jorre Development Association (JDA) oo kashaqeeya gobolka Jorre ee Jubbada Hoose fadhigiisuna yahay Badhaadhe iyo Kismanyo ayaa waxuu 5tii sano ee lasoo dhaafay ku hawlanaa siddii uu wax uga qaban lahaa adeegyada bulshada ee gobolka jorre kadib markii uu meesha kabaxay nidaamkii dawladeed ee kajiray Somalia.
Hayda Samafalka ee JDA oo kaashanaysa Jaalliyada gobolka Jorre ee kudhaqan North America ayaa mudo laba sano kahor ah waxay ka fulisay magaalada Kulbiyow schoolka hoose/dhexe. Tirada Ardada dhigata Dugsiga Hoose/Dhexe ee Kulbiyow waa 185 Arday iyo 5 macalin.
Sidoo kale waxaa hayda JDA ay ku guulay satay Isbitaal cusub oo dhagax ah oo ay Jaalliyada South Africa ee ka soo jeeda gobolka Jorre maal galiyeen. Isbitaalka Kulbiyow waxaa ladhamaystiray Feb 20, 2005.
Isbitaalka cusub ee Kulbiyow waxaa loo qoon deeyay shaqaale ilaa 3 qof ah (hal Dhakhtar iyo laba Kalkaaliye), waxaana hal mar lagu dawayn karaa malinkii ilaa 100 qof (Providing Basic Medicines every day) oo bukaan ah.
Ururka Samafalka ee JDA waxuu u mahad naqayaa Jaalliyada South Africa iyo mida N. America ee kasoo jeeda gobolka Jorre ee Jubbada Hoose oo runtii wax qabad balaadhan ka fuliyay gobolka Jorre ee J/Hoose.
Waxaan shaki kujirin in wax-qabad lataaban karo ay haydu ku talaabsatay mudo aad u gaaban, waxaana balan ah inaan siiwadi doono dadaalka iyadoo laysku tashanayo lana kaashanayo Jaalliyada gobolka Jorre meel kasta oo ay joogto. Sidaa waxaa yiri Madaxwaynaha hayda JDA Mohamed Sh. Hassan.
Godeynews.com ShariifBadel "Always do right. This will gratify some people and astonish the rest."