Godey: Roob aad u culus oo hadda ka da!aya gudaha magaalada Godey
Mar ay maanta Godeynews.com xiriir la sameysay magaalada Godey ayaa waxaa loo sheegay inuu roob aad u badan ku da!ayo magaalada gudaheeda iyo hareeraheedaa.
Roobkan ayaa sida naloo sheegay bilawday maalinimadii dhexdeeda, waxuuna si xoog ah usocdaa illaa iyuo hadda oo habeenimo ah saacadda afrikada barina ay tahay 22:00hrs. Hooritaanka Cirka ayaa wax badan ka badalaysa dhibaatada abaareed ee ka jirtay deegaanka, waana arin ay dadweynaha deegaanku aad ugu farxayaan rajana ka qabaan inay wax ka badasho baahida abaareed.
Illaa iyo hadda maanan ogaanin illaa iyo meesha uu roobkan gaarsiisan yahay, hadii aan helno akhbaar dheeraad ah waxey Godeynews.com diyaar u tahay inay isla markaasba idin soo gudbiso.