Qabalaha da,da weyn ee Baarguun ayaa inta taqaana markay magacaas maqlaan isla markaaba waxaa xusuustooda kusoo dhici Abdullaahi Buuran oo farsamo yaqaan caan ah oo dayac tirka ku xeel dheer, xitaa waxuu dib( Re-conditioning) ugu sameeyaa noocyada kala gedisan ee qoryaha fudud.
Sidoo kale waxaad xusuusani geedihii hadhka waaweynaa, dheelidii simaneed ee beerihii bilicda sanaa iyo xoolihii naaxsanaa ee Baarguun caanka ku aheyd.
Marka hore xagee buu kuyaalaa qabalahan da,da weyn ee aan maanta kusoo qaadayno qormadeena wax kabaro dhulkaada hooyo ?.
Marka aad taagan tahay caasimada sharciga ah ee ogaadeeyniya Godey, waxaa ku geyn karta labo wado oo haloosi ah oo midi marto wadada Caano kuluul iyo Bookhate. Midda kalena waxey dhex bartanka ka martaa Banka Tureed iyo Todabadiisa Togeed. Waxey soo mareysaa meelo ay kamid yihiin, Weyla-giir, Xirka Gaadda, Aalokoriye, kadibna waylo-Sidig, Uubaley, Fakow, kadibna waxaad joogtaa malkadii Baarguun iyo Abdullaahi Buurane.
Sidoo kale hadii aad marto jidka buurta Bookhate waxaad iyadan qasab ah inaad sii marto Haar-balaayo qadar yar kadibna waxaad joogtaa faraqa balaaran ee Awr-jir, kadib waxaad soo gaadhay qabalaha weyn ee ceelka caanka ah ee Geela uroon kuyaalo ee Hadhaawe.
"HALOOYE KA CABTOOY, HADHAAWANA FILO" Erayadan Geellaa loogu heesaa markii la waraabinayo.
Hadii aad dhankaas iyo qiblada(Waqooyi) udhaqaaqdo waxaad sii mari ceelka isaguna xoolaha ufiican (Dhinaca caanaha) ee Dhuure, hadii aad sii dhaafto waxaad joogtaa xabaalaha Allaah Ha Unaxariistee ee Xaaji Cabdile oo dadka deegaanku isu dardaarmaan in lagu xabaallo, markay toodu gasho. Markaad soo gaadho Malkada Milqo waxaa kusoo baxi hirkii beeraha iyo geedaha waaweyn ee Baarguun. Dhinaca kale ee midigtana waxaa kasoo muuqda Qowyihii waaweynaa ee Duduma-cad, Buur-Jabis iyo waliba Qawyaha Qabaaley oo si fiican u safan.
Hadii aad waxyar socoto waxaad sii mari banaankii iyo geedkii weynaa ee baarlamaanka ee xarunta u ahaan jirtey Ugaasyadii deegaanka iyo xildhibaanadiisii xilligii dawladaha kahor. Wax yar kadib waxaad dhex taagan tahay dooxadii iyo beerahii Baarguun iyo waliba geedihii Bisiqa oo kaga gaaran dhinaca dibirka, markii aad kabaxdo yaa kaa celini inaad gasho Baarguun iyo beeraheediiba.
"NINKII BIL MAQNAADA BEER GUBAYEEY BAARGUUN BALAG BAY KU AASEEN" Reer Baarguun ayaa xusuusan kara ereyadan;
Hadaba hawlaha horumarineed ee kasocda deegaanka ayaa waxaa kala wada haya!adaha OWDA iyo EBYAN oo labadooduba wadani ah. Shirkadda wadaniga ah ee Ebyan oo ay madax ka yahiin Nuux Maxamed iyo Kifaax Sheekh Ibraahin ayaa waxey hirgeliyeen dhisiddaSchool hoose dhexe oo ay dhisitaankiisa hirgelisay shirkada(Ebyan), oo hadana wada dhismo cusub oo lagu badalayo dhismihii hore ee Clinic magaalada iyo Ceel bam ah oo noqonaya kii labaad noociisa ah ee magaaladu yeelato, iyadoo midka horena ay fulisay haya!adda OWDA oo hadda ka horna kadistay masaajid weyn oo dhagax ah. Dhinaca kale nolasha dadka degaanka Baarguun ayaa waxey inta badan ku tiir santahay dhinaca beeraha iyo xoolaha oo laf dhabarka noloshooda ah.
Meelaha caanka ah ee ku hareeraysan Magaalada Baarguun ayaan ka tilmaami karnaa buuraha Halooyo, Shabeel-duulaa,Burjabis, Dudumo-cad iyo geedkii weynaa ee Qudhaca baarlamaanka ee xarunta u ahaan jirey taliskii Ugaaska iyo xildhibaanadiisa. Sidoo kale Baarguun ayaa waxey ku jirtaa liiska aqoonsiga degmanimada loo diyaariyey ee aan wali la go,aaminin.
Taariikh ahaan Baarguun waxaa ka aas-aasantay dariiqadii caanka aheyd ee ugu horeysay dariiqooyinka deegaanka ee Sayid Muxumed oo waagaas aad loo jeclaa, ayaa waxaa lasheegaa inuu Sayidku ku doortey Baarguun dadkeeda deeq badni, daris wanaag iyo iyagoo diinta jeclaa. Culamadii soo martay Baarguun waxaa ugu caansanaa sayid muxumed sayid Cali Dhuux, Sheekh Maxamed Shible iyo kuwo kaleba, sidoo kale waxaa soo marey reero isku dhafnaa oo la magac baxey Habuuje iyo Qaanbey.
Dhinaca kale raashinkii ka gu!i jirey Baarguun xiliyadii hore ayaa ahaa midka ugu badan deegaanka marka laga reebo deegaanka Qalaafe oo iyadu ah xarunta ugu sareysa wax soo saarka dhinaca beeraha.
Dhinaca tirada dadka kunool deegaanka Baarguun waxaa lagu sheegaa ugu yaraan qiyaastii 20,000 qof oo ku kala baahsan Qabalayaalka kala duwan ee ku xeeran Baarguun sida Adhi-Cadeeye iyo Fadh-Weyne iyo Hallooye oo aheyd muddo dheer saldhiga ay ururada xornima raadisku fariisan jireen.
Qabalyaalkan kor kuqoran ayaa qaarkood ka waaweyn yihiin kana magac dheer yihiin Baarguun, hase yeeshee waxay maamul ahaan hoos yimaadaan Baarguun.
Qore Jaho-adag, Godeynews.com Godey.
|