Cudurka hada waxa uu soo gaaray Turkiya, Romania, iyo France oo katirsan qaarada Yurub . Tirakoob aay sameeysay hey�ada WHO ayaa waxey sheegeen ilaa hada dadka ku dhintay cudurkaas aay gaareen 60 qof Sida kawada ogyahay cudurkaas si sahlan kuma uguma gudbo bani-aadamka ,laakinse baaris lagu sameeyay shimbiro lagu arkay dalalka Ruushka, Kazaqistan , Turkiga iyo Romania ayaa waxey keentay cabsi sii kordheysa oo ah inuu cudurkaan isku bedelo musiibo caalami ah . WHO waxey dowladaha caalamka ugu baaqday inaay si taxadar leh ugu hortagaan fidista cudurkaan dilaaga ah.
. Hey�ada WHO waxey kaloo sheegtay in viruska (H5N1) aay dad badan qaadeen taasina aay tahay biloowga faafida cudur dilaa ah .
Wasiirada xoolaha ee wadamada midawga yurub ayaa kulan ku leh magaalada Brussels Labada qodob ee ugu weyn ee wasiirada hor yaalla waa talaal iyo magdhow, Faransiiska isla hadaba waxay soo saareen codsi ay u soo gudbiyeen gudigga Midowga Yurub, oo ay kaga codsanayaan in loo ogolaado in ay talaalaan digaaggooda. Netherlands sidaa soo kale ayay sameyn doontaa marka shirka ay ku kulmaan beritto dhaqtarada xoolaha ee Midowga Yurub .