Odayaasha dhaqanka ee gobolka Godey oo dawladda dhexe ka codsaday in wax laga baddalo masuuliyiinta la rabo in loo magacaabo Safaaradaha dibada ee Itoobiya.
Codsi dawladda dhexe kaga yimid dhinaca wax-garadka, Odayaasha dhaqanka iyo Aqoon yahanka Gobolka Godey oo laga yaabo inuu wax kabaddalo Masuuliyiintii loo rabay in loo magacaabo inay shaqooyin kabilaabaan Safaaradaha dibada ee Itoobiya.
Wararka naga soo gaadhaya gobolka Godey ayaa tibaaxaya in Wax-garadka, Odayaasha dhaqanka iyo Aqoon yahanka Gobolka Godey ay mudo dheer oo wada tashi ah kadib go'aan sadeen in Xildhibaan Cabdi Raaxo oo dawladda dhexe u rabto inuu ka hawl galo safaaradaha dibadda looga baahan yahay wax qabadka gudaha dalka.
Go'aan kaas kadib Odayaasha dhaqanku waxay dawlada dhexe hordhigeen in Xildhibaan Cabdi Raaxo aan looga maarmin inuu fuliyo hawlihii loo doortay ee gobolka, haddii uu kafogaadana aysan suurta gal ahayn inuu fuliyo dantii shacbiga reer Godey ay u doorteen inuu u qabto.
Waxaa kaloo iyadana Godeynews soo gaaraya warar aan rasmi ahayn oo sheegaya inay dawladda dhexe ay aqbashay codsigii oday dhaqameedka Godey, hadana la filayo inay qof kale u magacawdo jagadaas.
Waxii warar dheeraad ah ee ku saabsan arimahaas dib ayaanu kasoo sheegi doonaa.