KOFI ANNAN OO MARKII UGU HOREYSEY KU DHAWAAQEY IN AY SOMALIA JOOGTO ARGAGIXISO
Jamciyadda Qurumaha ka Dhaxeysa ayaa daboolka ka qaaday in Burcad Badeedka Soomaaliya ay tahay dhibaato sii kordheysa oo halis gelisay howlihii gargaarka ee loo fidin lahaa Soomaalida tabaaleysan oo gaareysa 1.5-malyuun ilaa 2 Milyan ruux ee abaaraha baahsani ay halakeynayaan haatan.
Xoghayaha guud ee Jamciyadda Qurumaha Ka Dhaxeysa Mr. Kofi Annan ayaa warbixin uu kasoo saaray xaaladda Soomaaliya una diray Golaha Ammaanka ku sheegay in khatarta Burcad Badeedka ku heyso gaadiidka Badda ay ku qasabtay inay dhinac dhulka u adeegsato howlaha gargaarka oo habacsanaan baahsani ay soo foodsartay .
Isagoo ka hadlayey marxaladda ay ku sugan tahay Soomaaliya ayaa Mr.annan waxa uu warbixintiisa ku sheegay in kooxaha islaamiyiinta xagjirka ah dhaqdhaqaaqyadooda ku sii kordhayaan Soomaaliya.
� qaar ka mid ah waxaa la tuhunsan yahay inay xiriir la leeyihiin Urur weynaha Al-Qaacida xerooyin lagu tababartana ay ka fureen Koonfurta Soomaaliya� ayuu warbixintiisa ku sheegay Kofi Annan .
Sidoo kale Xoghayaha guud ee Jamciyadda Qurumaha Ka Dhaxeysa waxa uu warbixintiisa ku xusay Maraakiibta lagu qafaashay Soomaaliya oo kaliya 3-dii bilood ee ugu danbeysan sanadkii hore 2005 lagu afduubtay Xeebaha Somalia Maraakiib gaareysa ilaa 7-Markab oo 5- ka mid ah la heysatay.
Jamciyadda Qurumaha ka Dhaxeysa ayaa warbixinta Kofi Annan saaray , kadib waxaa lagu wadaa in ay yeeshaan kulan ku saabsan xaaladda Soomaaliya toddobaadka soo socda gudihiisa sida warbixinta gaba-gabadeeda lagu xusay.
Ilaa 11 Wadan oo ay Somalia ka mid tahay oo gobolka ka jira ayaa lagu sheegay inay ka aloosan yihiin abaaro iyo nolol xummo aad u daran muddo dhowr sano ah ka dib.