GodeyNews.com
......News and Views From Around the World
.
.


Home
| Submit News | Forum | Contact

Welcome!
Main Menu
Somali Links

BBC
11:00 - 11:15
14:00 - 15:00
18:00 - 18:30

Afdheer.com
•Allpuntland
Dhanaan.com
Doollo
•Faafan.com
GedoNet.com
GodeyOnline
•Halgan.net
•Hiiraan.com
Jijigawe.com
markacadey
Ogaden.com
Ogadennews
OgadenSun
•PuntLandPost
Qabridahare
Qalaafe.com
RadioFana
Somaliwide.net
•Somalitribune
•Somaliweyn
•S/galbeed.com
•SomaliHerald
•SomaliTech
Somalistate
Wabishabeele

Wardheer
XamarNet
Xaajo.com

 
Other Links

Al-jazeera
IrinNews
Reuters
Guardian
The Times
WashtonPost

Aflax
Al-Islam
IslamCity
IslamicFinder
IslamOnline
IslamWay
Mpacuk.org

Reuters

 
Guurtada Soomaalida Ogaadeeniya iyo safarkooda dibadda oo fasiraadyo badan laga bixinayo.

Waxaa maalmahan danbe la isla dhexmaray warar sheegaya in Oday dhaqameedka Soomaalida Ogaadeeniya usoo bixi doonaan dibadaha si ay usii wadaan hawlihii nabad raadinta ee u dhexeeyay ONLF iyo dawladda Ethiopia.

Hadaba waxaan lawada soconaa inay dhawr mar hore odayada lakulmeen labada dhinac ee la rabo in la heshiisiyo, hase yeeshee xagee isku dayitaankaas ku danbeeyay, wax natiijo ahse ma kasoo baxday?

Markii aad dib u fiiriso dadaaladii hore waxaa kuusoo baxaya inaysan hawshan odayadu wax badan ka qaban karin, sababtoo ah waxaan wada ognahay mawqifka dawladda Ethiopia ee ku aadan arintan oo ah Jabhadu waxay dhibaato ku hayaan dhulkoodii iyo guryahoodii marka waa inaad idinku hawshiina xalisataan, hadii kale dib udhacaan ayaad waligiin ku jiraysaan. Dhinaca kale labada masuul ee ugu sareya Jabhadda ayaa waxay fagaarayaalka shirarka iyo ideecadahaba ka sheegeen inaysan dib danbe ula kulmeynin odayaasha dhaqanka, isla markaasna u arkaan kuwa aan qiimo badan ka laheyn agtooda, qaarkoodna waxayba ku tilmaameen inay ushaqeeyaan ciidamada Tigreega.

Sidoo kale waxaa in badan oo qurbaha ku dhaqana ay aaminsan yihiin inay Odayadu dhumiyeen fursad qaali ah oo waxtar badan u laahaan lahayd deegaanka. Odayadu waxay markii hore u istaageen arin muhiim ah oo la rabo in masiirka umadda lagu xaliyo, hase yeeshee markii danbe waxay ka dhamaan waayeen arimihii Kililka iyo sadbursi jago raadis.

Hadii aan wada xusuusano shirkii Godey ee Odayada iyo Dawladda dhexe waxay odayadu muujiyeen geesinimo, waxyaabahii ay ku hadlayeena waxay wada ahaayeen kuwa lagu wada diirsadey, oo taabanayay dhibaatooyinka dhabta ah ee deegaanka kajira. Hase yeeshee markii ay Addisababa u duuleen ayaa hawshii caynka laga rogay oo Odayadii qaarkood ayaa waxay ku dhaqaaqeen arimo wax u dhimiyay sharaftooda iyo qadiyadii ay lahaayeen waan u soconaa, sida inay Raisul wasaare Zenaawi weydiistaan inuu dad ugu daro baarlamaanka isla markaasna uu usii magacaabo jagooyin kale. Arintaas ayaa dad badan sheegaan inay khilaaf dhex dhigtay isla odayaaashii shirka markaas wada fadhiyay, sababtoo ah qaarka kale ayaa diidanaa inaan ujeedadoodii ahayd masiirka ummadda aan lagu leexinin jagooyin baarlamaan iwm.

Hadaba markii aad isku dardarto arimahaas oo dhan ayaa waxaa kusoo baxaya in Odayada imaanshahoodu uusan hadda lahayn muhiimad badan oo tii hore oo kale ah. Isla markaasna ay adeg tahay in safarkooda dibadda natiijo quman ay kasoo baxdo.


Omar Yare,
Godeynews Staff.

PRINT THIS ARTICLE
�Godeynews.com

 



Make Godeynews default homepage 

Godey_Foundation
 
Maqaal / Aragti
Dadkaaga oo aad leysaa darajo laguma gaadho Abdi Illeyow. Qore Nuur Gacamey 02 Nov 2024


Xabashida Oo Ka Qeyb Gashay Qaybsigii Afrika by Haldhaa. Qore Mohamed-Deeq Abdimadar �Haldhaa� 01 Nov 2024

BAYDHABO WAA LA XOREYNI. Qore: A. M. Yusuf 28 Oct 2024

In Memory of the Dervishes of Somaliya. By Arte Moallin III 27 Oct 2024

Talo siin Dadweynaha reer Puntland. Qore Cali Jaamac Cali 27 Oct 2024

Hangaraarac luug uma dhutiyo. Qore Nuur Gacamey 16 Oct 2024

GABAY: Waxaan ugu jawaabayaa ninkii usoo jawaabay gabaygii Abshir Bacadle ee kusaabsanaa qabsashada magaalada Kismaayo. By Cabdi Galadiid 13 Oct 2024

Sideeynta Ciid Daahir Faarax iyo xabsi kusii haynta Mahadi Ayuub maxay kuumujineysaa.? Qore Nuur Gacamey 12 Oct 2024

Nimaanan Shantaada Kaa Celinin Sharci Kaama Celiyo. Qore Ugbad Cabdullaahi 12 Oct 2024

The Clumsy words from ogadenonline editorial board. By A Hassan 05 Oct 2024

Ujeeddo: Ogaden Student Forum oo Cambaareyay Afduubkii loo gaystey Radio Xoriyo. 04 Oct 2024

Sheekh Xasan Turki oo Laad Yar ku Salaxay Barre Hiiraale. Qore Cabdi Miriq 01 Oct 2024

Taageerida xoogaga maxkamadaha ee la wareegay Jubbooyinka waa arin aan loo kala hareynin. [Qore: Ugbaad Cabdulaahi] 01 Oct 2024

Xawaaraha Kacdoonka Shacabka Somaliyed iyo Rajada Midnimada Wadanka laga Qabo. [Qore. Eng. Abdulkadir Abiikar]: 01 Oct 2024

Jaaliyadda Absame ee Bristol UK oo katala bixineysa qorshaha cusub ee beesha Absame. 30 Sep 2024

<< Previous 1 2 3 4 5 6 7 8 Next >>

 

 

     
       

Home | Submit News | Forum | Contact
All Rights Reserved. 2005. GodeyNews.com