Waxaa ayaamahan soo cusboonaaday hadal hayntoo odayaasha ree Ogaadenya. Waxaa la isla dhexmarayaa in ay socdaal ugu soo ambabixi doonaan dalalka ay ku badan yihiin jaalliyadaha reer Ogaadenya.
Haddaba, waxaa lagama maarmaan ah in lays waydiiyo labo arrimood:
Maxaa soo cusboonaysiiyey hadal hayntii odayaasha iyo haddiiba ay soo baxaan, muxuu yahay ujeedada ka dambaysay socdaalkooda iyo waxyaabaha ay ka fullin doonaan meelaha ay tagi doonaan.
Ugu horrayn, hadal haynta odayaasha waa mid marra kor u kacda mara gabaabsida oo aan waxba laga maqal. Waxay ku xidhan tahay hadba xaaladda Itoobiya iyo sida ay cadhiidhi u gasho siyaasadda xukuumadda Melez. Bal aan dhawr dhacdo soo qaadano.
Bilowgii
Dhamaadkii sanadkii 2004 ayuu bilowday dhaqdhaqaaqa odayaasha. Sababo badan ayaa kalifay hawshooda, waxaase ugu muhiimsan dhibaatooyinka dalka ogaadenya ka taagan ee ay sababta u tahay Itoobiya. Madax dhaqameedyada Somalida Ogaadenya waxayyimaadeen Adis Ababa si ay ula kulmaan ra�iisal wasaaraha Itoobiya ugalana hadlaan dhibaatooyinka haysta shacbiga Soomliyeed ee dalka Ogaadenya. Melez wuu ka warwareegay inuu qaabilo odayaasha. Waqti dheer ayay Adisababa ku sugnaayeen.
Waxaa odayaasha u suuragashay inay la kulmaan saraakiil hoose oo dawladda itoobiya ah. Markii uu dhacay dagaalkii Mandad ee JWXO ay la gashay ciidanka Itoobiya, ayuu Melez si lama filaan ah ugu yeedhay odayaasha ulana shiray.
Odayaashu waxay kala kulmeen Melez balan qaadyo badan, iyagoo maqsuud ahna waxay ku laabteen goobihii ay ka yimaadeen.
Hase yeeshee, durba waxaa caddaatay in ballan qaadyadii ay ahaayeen erayo af kasoo baxay, nuxur ka dambeeyana uusan jirin. Odayaashu shir jaraa�id ayay ku qabteen Jig-jiga, waxayna dhaliil kulul u soo jeediyeen dawladda Itoobiya. Melez dheg jalaq uma uusan siinin hadalka odayaasha. Hadal hayntii odayaashuna halkaas ayuu ku shiiqay waqtigaas.
Bishii Juun 2005 ayaa haddana waxaa Itoobiya la soo gudboonaaday culays kale oo dhinacna kaga imanayey halganka Somalida Ogaadenya, dhinacna qawmiyadaha kale ee Itoobiya. Waxaa Itoobiya ka dhacay doorashooyin guud oo adduunka oo dhan uu isha ku hayey. Markaas ayuu haddana Melez si deg-deg ugu yeedhay odayaasha isaga oo ka codsaday inay iyagu horta soo jiraan ka dibna ergo iyaga ka socota ay Adisababa ugu imaadaan.
Waxaa mar seddexaad soo noqotay hadal hayntii odayaasha. Ergo odayaasha ka socota ayaa Melez kula shirtay Adis Ababa. Shirkan dambe oo go�aamo badan oo muhiim ah ay ka soo baxeen waxaa ka ka higlay oo kaliya qodob sheegayay in odayaashu ku caawiyaan dawladda sidii Somalida ree Ogaadenya ay ugu codayn lahaayeen xisbiga Melez. Doorasho ku sheeggii ka dhacday Ogaadenya Agoosto 2005 waxaa si xoog leh ugu shubtay xisbigii Melez iyo xulafadiisii. Melez markii doorashadii dhamaatay wuu ku ballan furay odayaashii, hadal hayntii odayaashuna markii afraad ayay shiiqday ama baaba�day.
Kadibna maxaa dhacay?
Natiijoyiinkii doorasha oo ay soo baxday khayaamo iyo ku shubasho darteed, Melez iyo xukuumaddisii waxaa soo wajahday culays siyaasadeed oo xagga adduunka ah iyo mid gudaha ah oo kaga imanayey shucuubta Itoobiya iyo shacbiga Somalida Ogaadenya. Markaas ayuu haddana Melez si lama filaan ah ugu yeedhay odayaasha isagoo markaan ku dhawaaqay inuu la heshiinaya JWXO oo uu waliba kula shirayo meeshii ay doonaan. Arrintan dambe oo soo jiidatay shacbiga Soomaliyeed iyo adduun waynahaba, waxay Itoobiya ka dabcisay culays siyaasadeed oo saarra kagana imanayey adduunka iyo waliba Somalida Ogaadenya. Waxaa Somalida Ogaadenya ka bilowday dareen muujinaya rajo nabadeed. Hase yeeshee, dad badan waxay shaki ka qabeen sida ay Itoobiya daacad uga tahay arrimaha nabadda iyo wada hadalka.
Odayaashu kaalin fiican ayay qaateen iyagoo farriimo u kala qaaday Itoobiya iyo JWXO. Farriintii u dambaysayna waxaa jawaab laga sugayay Itoobiya, taas oo ilaa hadda aan haa iyo maya toona laga helin. Haddana arrintii odayaashu way shiiqday, rajadii nabadda laga qabayna hoos ayay u dhacday, waxaana soo baxayay ifafaalo muujinaya in hadalkii Itoobiya uusan ka badnayn mid ay kaga gudbaysay xaalad markaa haysatay.
Haddaba, maxaa haddana arrintii soo celiyey?
Halgankii shacbiga Somalida Ogaadenya wuu sii xoogaystay, gaar ahaan xagga dublomaasiyadda iyo siyaasadda dibadda. Waxaa iyaguna wacyigooda siyaasadeed uu sii kordhay Jaalliyadaha Ogaadenya kuna guulaystay inay u ololeeyaan xuquuqda dadka dolman tooshan ku ifiyaan xad-gudubyada Itoobiya. Waxaan tusaale fiican u soo qaadan karraa dadaalkii ay jaalliyaduhu ku soo bandhigeen xasuuqii Qabridaharre iyo gubiddii Fool-jeex. Itoobiya way u suurtoobi wayday inay qariso xaqaa�iqa ka jira Ogaadenya. Dhacdadii ka dhacda badhtanka Ogaadenyana, waxaa markiiba lagu daabacayey saxaafadaha ree Ogaadenya ee meelaha kala duwan kajira.
Melez si arrinta uu tashuush iyo khaakhuul u galiyo ayuu hawshii odayaasha boodhka uga jafay isagoo markaan u sheegay inay jaaliyadaha reer Ogaadenya ee dalka dibaddiisa ku sugan ay u tagaan oo la soo hadlaan.
Qoraal kale ayaan ku fallanqayn doonaa scodaalka la sheegayo hadda ee odayaasha iyo ujeedada uu yeelan karo, yey yihiin odayaashu, faa�iido intee le�eg ayay Itoobiya ka heli doontaa socdaalka odayaasha, side buuse u saamayn doonaa halganka shacbiga Soomaalida Ogaadenya.
Qore: Abdullahi Muxumed [email protected]
|