Warshadda Biyaha Sifaysan ee Saxansaxo Godey oo JigJiga Soo Gaadhay.
Marka aad dhex socoto suuqyada ama aad gasho dukaamada magaalada JigJiga ayaad waxaad ku arkaysaa inay meel walba safan yihiin biyihii sifaysnaa ee ay soo saartay Warshadda Saxansaxo Godey. Warshadan biyaha sifaysan soo saarta ayaa waxaa magaalada Godey laga hirgeliyay qiyaastii muddo hadda laga joogo labo bilood, iyadoo ay maal gelinteeda iska lahaayeen dad udhashay deegaanka oo kunool qurbaha.
Waxyaabaha warshadda saxansaxo lagu amaano dadkuna kujecel yihiin ayaa ah iyagoo aad u raqiis ah, aadna uga jaban qiimahii hadda ka hor biyaha sifaysan looga iibin jiray dadweynaha kudhaqan magaalooyinka waaweyn ee deegaanka ismaamulka Soomaalida Ogaadeeniya.
Hadaba kusoo badashada suuqyada ay biyaha Saxansaxo kusoo badanayaan ayaa dadku aad usoo dhaweynayaan, islamarkaasna waxay suuqa ku ciriiraysaa biyihii qaaliga ahaa ee horey suuqa u haystay oo intooda badan ka imaan jiray gudaha Ethiopia iyo xuduudada Soomaaliya.
Mar ay Godeynews laxiriirtay mid kamd ah masuuliyiinta sarsare ee warshadda Saxansaxo ayaa waxuu noo sheegay inay markay sameeyen baaritaan dheer ay usoo baxday baahida ay dadku uqabaan inay helaan warshad soo saarta biyaha sifaysan, taasoo ka kaafinaysa dadweynaha dhibaatada ka haysata biyaha kayimaada gobolada sare ee Ethiopia iyo wadanka soomaaliya.
Masuuliyiinta warshadda Saxansaxo ayaa hadda ku hawlan inay si buuxda waxsoo saarkeeda u gaadhsiiso magaalooyinka kale ee waaweyn ee Ismaamulka Soomaalida Ogaadeeniya, sida Dhagaxbuur, Qabridaharre iyo Qalaafe. Waxayna warshadan noqonaysaa midii kowaad ee nooceeda ah ee ka hirgasha Gobalka.