Wararka Godeynews kasoo gaaraya Magaalada Godey ayaa waxay sheegayaan in maanta uu kadhacay dagaal agaagaaraha magaalada Baarguun, kaasoo u dhexeeyay ciidamada maleeshiyada ah ee deegaanka iyo kuwa lagu sheegay inay yihiin ONLF.
Isku dhacyadan dagaaleed ayaa waxaa lasheegayaa inay kudhinteen labo qof, labo kalena ay ku dhaawacmeen oo kasoo kala jeeda labada dhinac ee is dagaalayey.
Isku dhacyada dagaaleed ee udhexeeya maleeshooyinka deegaanka iyo kuwa ONLFta ayaa ah mid aan ku badnayn deegaanka Gobalka Godey, markii loo fiiriyo Goballada Qoraxay iyo Dhagaxbuur oo ay rabshadaha noocan oo kale ah ay ku badan yihiin. Muddo hadda laga joogo labo bilood ayay labadan qolo sidan oo kale aaga Baarguun iskugu dhaceen oo ay dad kudhinteen.
Dadweynaha udhashay deegaanka Godey ee kunool dibadda iyo gudahaba ayaa waxay hadda usoo jeesteen sidii ay deegaankooda horumarin u gaarsiin lahaayeen, isla markaasna uga faa,iidaysan lahaayeen mashaariicda faraha badan ee deegaanka Gobalka kasocda.
Sidaan lawada socono sanadadii 1993-1996 ayaa waxuu ahaa Gobalka Godey meesha uga rabshadaha badan/nabadgalyo xun ismaamulka Soomaalida, taasoo dad badan ay naftooda ku waayeen kuna dhinteen dagaaladaas. Sidoo kalena waxay sababtay in magaalada Godey oo ahayd magaallo madaxda deegaanka rabshadahaas dartood loog wareejiyo JigJiga.
Hadaba waxgaradka iyo inta jecel horumarka Godey ayaan diyaar u ahayn inuu deegaankaas mar kale noqdo meel lagu bardoodamo oo nabad galyo xumo laga abuuro si qalaalaso loo geliyo mashaariicda horumarineed ee kasocda deegaanka Godey oo rajo fiican laga qabo hadii sifiican loo hirgaliyo inuu wax bada ka qabto cunto yaraanta iyo baahida raashineed ee ka jirta deegaanka.