Degmada Feer-Feer ayaa waxaa laga soo doortaa 3 xubin oo kamid ah baarlamanka deegaanka kana kala yimaada Burcukur, Dhagaxle iyo Feer-Feer. Halka midka fedaraalka ahna ay lawadagto degmooyinka kale ee Qalaafe iyo Mustaxiil oo hadda uu xubintaas baarlamaan loo doortay Mudane Suldaan Korfe Gaarane oo ah siyaasi caan ah oo in badan loosoo dooran jiray xubinimada baarlamaanka dhexe ee deegaankaas.
Meelaha caanka ah ee kuyaala degmada Feer-Feer waxaa kamid ah Burdhiinle oo hortiisana ay kutaalo beeraha lagu magacaabo (Xeero amxaar). Waxaa kale oo kuyaala daaro lagu sheego in la dhisay xiligii boqor minelik oo layiraahdo (Dhiingay Minelik). Sidoo kale hadii aad dib soo aado iyo dhinaca Qalaafe waxaad soo mari (Maar-Magoog iyo Buur-Ukur), oo uu gumaysigii Talyaanigu kadhisay daar sedex dabaq ah kadibna xiligii xukunkii Ingiriiska lawareegay uuna dejiyay ciidan dhan 1500 oo Askari isagana waxuu isla meeshaas kadhisay 23 daar oo gaagaaban oo markii danbe ku burburay dagaaladii 1977 ee Soomaaliya iyo Ethiopia.
Sidoo kale mar ay Godeynews.com la xiriirtay nin culimo ah oo caan ah oo kasoo jeeda deegaanka Feer-Feer oo ladhaho Sheekh C/raxmaan Sheekh Diiriye oo jooga Godey ayaa waxuu carabka ku celceliyay in Ganacsatada iyo dadweynaha reer feer-feer ay dhinacyo badan kaga tiirsan yihiin oo xidhiidh wanaagsan la leeyihiin xarunta Gobalka Godey ee Godey oo hadda noqotay saldhiga xarunta ganacsiga ee deegaanka ismaamulka Soomaalida. Waxayna reer Feer-Feer diyaar u yihiin inay sii xoojiyaan xiriirka ay la leeyihiin deegaamada ku hareeraysan, khaastan inay sii xoojiyaan xiriirka iskaashi ganacsi iyo midka maamul ee kadhexeeya Gobalka Godey.