Qabridaharre: Curashadii cirka (Roobka Gu!ga) oo laga soo sheegayo meelo kamid ah Gobalka Qoraxey
Wararka naga soo gaadhaya Magaalada Qabridahare ayaa sheegahaya in meelo kamid ah agagaaraha magaalada Qabridaharre uu roob daruuro ah ku da!ay, inkastoo aan lagu sheegin roob weyn hadana waxaad moodaa in cirku soo hoorayo oo ay daruuruhu is soo qabsanayaan.
Waxaa warar kale sheegayaan in meel aan ka fogayn magaalada Shaygoosh uu ka da!ay roob kale ama inuu isla roobkan gaaray meeshaas oo sida lasheegayo roobka xoogiisu u badnaa.
Si kastaba xaaladu ha ahaatee waxaa la dhihi karaa roobkii gu,ga ee inuu curto lasugi laa wuu biloowday oo waxaa daliil u ah roobkan ka curtay Qabridaharre iyo iyadoo deegaano kala gedisan laga sheegayo jawi roobeed.