Waxaan in muddo ahba soo wadnay barnaamijkeenii wax kabaro dhulkaada hooyo, kaasoo aan hadda ka hor kusoo qaadanay qaar kamid ah magaaloyinka Ismaamulka Soomaalida Ogaadeeniya. Sidoo kale waxaa maanta marti noo ah magaalada ugu muhiimsan magaalooinka Ismaamulka Soomaalida, marka laga eego dhinacyo badan sida deegaan ahaan,waxsoosaar, taariikh ahaan iyo waliba dhinaca ganacsiga. Waxaan soo gaadhanay taariikhdii magaalada qadiimka ah kuna caan baxday qaboowga iyo waxsoo saarka ee Qalaafe. Taariikhda magaalada Qalaafe ayaa ah mid aad u balaaran oo aanan wada koobi karin maadaama ay magaaladan ahayd meelihii ugu horeeyay ee Ogaadeeniya magaallo ahaan loo dago, hase yeeshee waxaan isku dayaynaa inaan taariikhda magaalada kasoo bilawno illaa iyo xiligii uu gumaystaha Ingiriisku yimid dhulka Ogaadeeniya.
1950 ayaa waxaa shir dhex maray Ugaasyada reer Ogaadeeniya iyo boqor Xayle Selesie shirkaasoo ka dhacay daarta kutaala badhtamaha banka Qoraxeey, kasoo lagaga hadlayay qaabkii deegaanka loogu sameyn lahaa degmooyin iyo cidii maamuli lahayd degmooyinkaas. Hadaba waxaa madashii shirka kasoo baxay in Ugaasyada loo sameeyo degmooyin iyo 51 masuul oo kala maamulo hawlaha degmooyinkaas oo isugu jira gudoomiyaal iyo ku-xigeenadoodii.
Hadaba waxaa magaalada Qalaafe Gudoomiye loogu dhigay Allah ha unaxiiriistee Ugaaskii deegaanka ee xiligaas Ugaas Muxumed Ugaas Qani oo in muddo ah ka ahaa Gudoomiye illaa iyo intii aysan bilaabanin jabhadii Nasrullaahi oo Ugaasku kamid noqday xubnahii ugu muhiimsanaa ee hogaaminayay jabhadaas. Magaalada Qalaafe ayaa waxay tahay taariikh ahaan meeshii ugu horeyasay ee jabhadii Nasrullaahi xabadii ugu horeysay ka riday, ninkii ugu horeeyay ee xabadaas ridana waxaa lagu sheegaa Ugaas Cabdi Axmed Xaashi oo hadadanba kamid ah oday dhaqameedka Ogaadeen ee wax kawada hawlaha nabad galyada ee Ethiopia iyo Onlfta. Xilligaas waxii ka danbeeyay waxaa gudoomiyinimada magaalda soo maray dad kala gedisan oo fara badan oo badan koodu kasoo jeedaan isla deegaanka Magaalada Qalaafe.
Magaalada Qalaafe ayaa lagayaabaa in in badan oo akhristayaashanada kamid ah inaysan arag, balse aad is weydiinayso maxuu yahay"Qaboowga wabigiyo Qalaafey ku dhalatee". Qalaafe waxay kucaan baxday beeraha, webiga weyn iyo waliba dhinaca ganacsiga oo xadaarad dheer ay u leedahay magaalada sababtoo ah waxay ahayd meel ay wada degaan dad kala gedisan oo ka-kala yimid meelo kala gedisan ilbaxnimana keenay iyo waliba iyadoo xilli hore lahayd waxbarasho heer sare ah oo ay wax kasoo barteen aqoon yahano soomaaliyeed oo maanta bulshada soomaaliyeed caan ka ah, sida Qoraaga weyn Nuuradiin Faarax, Prof Gande (Abdi Xaaji), Prof Saciid Samater iyo rag kale oo fara badan.
Marka aad fiiriso 1962 dhinaca shirkadaha ganacsiga waxaa magaalada kajiray shirkado ganacsi oo ay ugu weyneyd shirkadii ay horseedka u ahaayeen masuuliyiintan kala ah; Ugaas Muxumad Ugaas Qani, Sheekh Ibraahim Cabdullaahi Maax, Cagoole Sooyaan Xasan, Axmed Yuusuf Aabi, Bashiir Aadan Cali, Maxamuud Bacaad, Xaaji Cumar, Sheekh C/naasir ow-nuux, Macalin Haylaan, Xaaji Garaad iyo kuwo kale. Sidoo kale waxaa kaloo jiray shirkado yaryar oo ganacsi, hase yeeshee aan la tayo ahayn shirkadaas kore oo iyadu gacanta ku haysay ganacsi kajira magaaalada intiisa badan.
Dhinaca kale waxaa magaalada Qalaafe soo gasha 4 wado oo kala ah; Midda ka timaada dhinaca Godey, dhinaca hilinta, dhinaca Mustaxiil iyo dhinaca magaalada Ceelbarde. Waxaa kale oo uu deegaanku caan ku yahay geedka caanka ah ee ladhaho Caleemo-Saarka oo faras magaalaha Qalaafe ujirta 32km, waxayna magacan caleema saarka kula baxday waa meeshii ama xaruntii lagu caleemo saaray Ugaas Siigaale Ugaas Muuse.
Sidoo kale waxaa u dhaw magaalada buurta weyn ee Sheekh Cali Barakaale iyo ntooliyin fara badan oo makacda ah, waxaana kamid ah; tuulooyinkaas ku hareeraysan magaalada Buurgaabo, Kumisaar, Dirdhow, Baar-baajimaal, Adaa-Imaandoona, Shuuba, Goble Aloow Igaarsii, Muuse doon, Golya, Cirkaa-banaan, Daba-katuur,Cantalaale, Karinka iyo Garaashka oo hadda laga dhigay(Kaylaa).
Magaalada Qalaafe waxay ka koobantahay 3 xaafadood magacyadooduna waa sidan, Adiis-katama, Adiis-Kantarool iyo Xaafad-Bacaad. Dhinaca adeega bulshada waxay magaalada Qalaafe leedahay iskuulo hoose dhexe iyo iskuul sare, awooda korantada iyo Xarun Caafimaad oo aad u tayo fiican. Waxsoo saarka beeraha ayaa hadda sanadadan danbe waxuu marayaa meel aad u fican oo dadka ku dhaqan deegaanka Qalaafe ay intooda badan muruqooda maalaan, noloshoodu ay si toos ugu tiirsan tahay tabcashada beeraha, waana magaalada kaliya ee kutaala Ismaamulka Soomaalida Ogaadeeniya oo dadkeedu si toos ah ay u cunaan waxay muruqoooda kaga soo saareen dhulkooda dihin ee kheyraadka la ceegaaga.
Maamulka magaalada hadda kajira waxaa hogaaminaya gudoomiyaha cusub ee magaalada Qalaafe mudane Cali Cabdullaahi Cabdi oo kumagac dheer (Cali Coof) oo dadku rajo badan ka qabaan inuu kor usii qaado/taageerana hawlaha arimaha bulshada iyo mashaariicda kala gedisan ee kasocda deegaanada hoos yimaada degmada Qalaafe. PS: Ha udaymo la,aanina qormooyinkaanaga danbe waxaan noosoo socoda taariikhda magaaloyinka waaweyn ee deegaanka sida Godey, Qabridaharre, Dhagaxbuur, Hargeele iyo Fiiq.
Qore Cumar Bayaxow Godeynews.com JigJiga.
|