JigJiga: Dagaalkii 1977 taangiyadii ku burburay oo warshad biraha ee Makelle loo uruurinayo
Hadii aad ku sugan tahay magaalooyinka waaweyn ee Ismaamulka Soomaalida Ogaadeeniya waxaa laga yaabaa inaad aragtay baabuurta waaweyn ee xaamuulka ah oo bilahii lasoo dhaafay ku hawlanaa ol-ole lagu aruursan hayo taangiyadii iyo baabuurta ee dagaalkii 77 ku burburay.
Burburkan baabuurtan kala gedisan ayaa meel kastood marto deeganka Ogaadeeynia si xad dhaaf ah u dhooban. Hase yeeshee aruursigan hadda ay ethiopiyada kore uruuran hayaan ayaa ah mid abaal la,aan ah oo ayna ganacsatadan warshadda weydiinaynin masuuliyiinta kiliilka oo hadda ka hor u diiday ganacsato kasocotay dowladda japan inay gadato.
Aruurintan xad dhaafka ah ayaa waxay salka ku haysaa markii ay soo baxday baahi bir la,aaneed (Birta Culus) oo ku habsatay warshad MESFIN MAKELE oo xilli dhaw laga dhisay magaalada Makelle ee Killilka Tigreega.
Waxaa kaloo la yaab ah baabuurtan dhaadheer ee biraha uruursanaya ayaad ku arkaysaa inay hor taagan yihiin xafiisyada maamuka JigJiga oo aad mararka qaar is dhihi iyagaaba wax ka raray oo birihana meesha laga helo soo sheegaya. Waxaase is weydiin leh miyaynan garanaynin/ mise marabaan inay gartaan faa,idada laga raadinayo taangiyadan iyo baabuurtan burbursan.