Jaaliyadda Soomaalida Ogaadeeniya ee wadanka UK ayaa maanta oo taariikhdu tahay 31/03/06 waxay kujiraan qaban qaabo heer sare ah oo lagu soo dhaweenayo qaar kamid ah Oday dhaqameedka imaanaya Yurub.
Waxaa la sheegayaa in 7 oday dhaqameed ay UK imaan doonaan, kadibna usii gudbi doonaan wadamada Scandaneviyaanka. Meesha ay 3 Oday oo kale oo madax ka yahay UGAAS ABDIRAHMAAN UGAAS MUXUMED UGAAS QANI ay si toos ah ugu gudbi doonaan Waqooyiga Ameerika.
War Godeynews kasoo gaaray dhinaca guddiga qaban qaabada ee Jaaliyadda UK ayaa noo sheegay in dadweyne aad u fara badan, aqoonyahano iyo siyaasiyiinba ay diyaar u yihiin inay Airportka London Heathrow kaga hortagaan odayaasha oo la socda diyaaradda Ethiopian Ailrlines ee imaan doonto (1900 hrs UK Time).
MAGACYADA ODAYADA IMAANAYA UK
1.UGAAS ABDI AHMED HASHI 2-SULTAAN ABDIRAHMAAN DUULANE 3.GERAAD HASSAN AHMED GERAAD MAKHTAL 4.UGAAS ABDISALAAN UGAAS MOHAMED 5.GERAAD ABDIMALIK OSMAAN ALI 6.UGAAS MOHAMED FATULE 7. AHMED ABDI MOHAMED .