Wararka aan sida tooska ah uga helayno meelo kamid ah dhulka ismaamulka Soomaalida Ogaadeeyniya ayaa sheegahaya in raxmadii la suga hayey ee Gu,ga aay ka curatay dhulka badankiisa. Meelaha aan warkan ka helayno ayaa waxaa kamid ah Godey,Cadaadle,Iimeey, Dhanaan iyo Dh/buur.
Roobkan Gu,ga ayaa waxaa laga soo sheegahayaa magaalada Godey inuu sifiican uga da,aay xalay, halka ay dadku u iilahayeen inuu roobku ku xoogan yahay dhinaca Laab, Barde-Qorax, Boodh-caano iyo Imay.
Sidoo kale waxaa la sheegayaa inay airportka Godey roobab dartood ay maanta u degi weyday diyaaraddii maalin kasta imaan jirtay. Duulimaadka diyaaradaha ee magaalooyinka JigJiga iyo Qabridaharre ayaa sidoo kale roobab dartood u istaagay illaa iyo muddo seddex cisho ah.