Godey: Qarax ka dhacay dugsiga OWS ee magaalada Godey oo ay ku dhinteen labo Ilmood
Dugisiga hoose dhexe ee ee OWS ee ku yaala magaalada Godey ayaa waxaa ka dhacay qarax ay ku dhinteen labo ciyaal ah, meesha mid kalena uu ku dhaawacmay.
Qaraxan labada caruurta ay ku dhinteen ayaa waxaa lagu sheegayaa inuu ahaa (Gumuc xabadeedd) oo yaalay meel ku dhagan dugsiga OWS, kaasooy caruurtu ku ciyaarayeen kadibna uu ku qarxay.
Sida ay wararku sheegahayaan labadan ilmood ayaa waxaay ku ciyaarahayeen Gumaca oo halkaas yaalay kadibna si lama filaan ah ugu qarxay caruurta halkaasna ay ku naf waayeen.
Dadka u dhimanaya Qaraxyadan noocan oo kala ah ayaa kusoo badan haya dhulka Ismaamulka Soomaalida Ogaadeeynia oo bilihii tagay meelo kala gedisan ay dad kale ugu dhinteen, waxaana inta badan ku leg leh rasaastii ka hadhay burburkii dagaalkii 1977 oo meel kastaba si xad dhaaf ah u daadsan.