JigJiga: Cabdi Caziiz Sheekh Maxamuud oo la sheegayo in loo magacaabay Guddoomiyaha Xisbiga Gobalka Godey
Wararka kasoo baxaya hoolka shirka JigJiga ee xisbigu SPDP ku golihiia dhexe ku shirayo/ isku qiimeynayo ayaa sheegahaya in lasoo dhigay in Gudoomiyanimada Xisbiga Gobalka Godey laga dhigo mudane Cabdi Caziiz Sheekh Maxamuud oo hadda ka hor ahaan jirey Gudoomiyaha Gobolka Godey.
Arintan ayaa sida la sheegayo mid lama filaan ku noqotay ninka hadda ugu cad-cad siyaasadda Gobalka Godey, isla markaasna ah Wasiirka Beeraha mudane Cabdullaahi Cabdi Laag oo sida muuqata lagu maquuniyeey cod aqlibiyad ah oo lagu taageeray gudoomiyanimada mudane Cabdi Caziiz Sheekh Maxamuud oo kasoo jeeda magaalada FeerFeer ee isla Gobalka Godey.
Waxaa la sheegahayaa in arinkan si fiican looga soo shaqeeyay oo markii la hor keenay xisbiga magaca Cabdi Caziiz in laga dhigo gudoomiyaha Xisbiga Gobalka Godey uu golihii dhexe ee xisbiga si aqlabiyad ah hal mar gacanta u wada taageen inuu noqdo gudoomiyaha cusub ee xisbiga ee Gobalka Godey.
Hadaba C/casiis waa niin sidee ah? sida in badan ay lasocdaan waxaa uu kasoo qabtay xilal badan Gobolka Godey sida Gudoomiyaha Gobolka, Gudoomiye Ku-xigeeynka Gobolka waxaana uu aad uyaqanaa xeer jajabka hoose ee siyaasada Gobolka Godey. Sidoo kale waxaa hadda kahor lagu soo dacweeyay isla deegaankaas isagoo muddo dhan 3 sano ku xirnaa xabsiga magaalada JigJiga ee lagu magacaabo (Jeeyl-Ogaadeen), isla hadana waxuu si xawli ah dib ugu soo noqday siyaasadii deegaanka isagoo xisbigu ka filayo isbadalo siyaasadeed oo hor leh.