Qaybtii 2aad ee Guurtiddii reer Ogadenya oo galabta imaanaya Columbus Ohio
Qaybtii 2aad ee Guurtiddii reer Ogadenya ayaa galabta sacadu marka ay tahay 8:50pm wakhtiga Columbus Ohio ka soo daganaya Columbus Airport.
Jaaliyada reer Ogadenya ee Columbus Ohio oo in mudo ah ku hawlanaa qabanqaabada soo dhawaynta Salaadiinta reer Ogadenya ayaa diyaar garow adag kujira si ay Salaadiinta ugu soo dhaweeyaan Columbus Airport.
Af-hayeenka gudiga farsamada ee reer Columbus Badel Abdi Diiriye ayaa cadeeyay in Jaaliyada reer Columbus ay diyaar tahay, Salaadiintana si heer sare ah loo soo dhawayn doono loona fududayn doono hawshooda.
Waxii warar ah ee kasoo kordha Salaadiinta iyo imaatinkooda Columbus fadlan kala soco GodeyNews.com.