ONLF oo xasuuq gaadmo ah ku laysay dad shicib ah oo reer Boodhcaano ah
Wariyaha Godeynews ee jooga magaalada Boodhcaano ayaa waxuu sheegayaa in saaka subixii hore (16/04/06) ay jabhadda ONLF weerar gaadmo ah kusoo qaaday dadkii shicibka ahaa ee deganaa Magaalada Boodhcaano ee gobalka Godey, waxaana ku dhintay 2 qof oo kala ah wiil 12 jir ah oo banaanka ardaagooda taagnaa iyo nin reer baadiya ah oo magaalada safar ku yimid iyo nin kale oo odayada deegaanka kamid ahaa oo sida lasheegayo ay afduubteen maydkiisana illaa iyo hadda aan la arag.
Dhinaca kale waxaa dhaawac ah dad gaaraya illaa iyo 8 qof oo wada shicib ah, hase yeeshee aysan wali cadayn sida uu dhaawacu kusoo gaaray. Dadka reer Boodhcaano ayaan garanaynin waxa ku kalifay ONLF inay xasuuqdo dad shicib ah, isla markaasna aysan garanaynina waxa loola dan lahaa maadaama aysan magaaladan deganaynin ciidamo iyo maleeshiyo qabiileed toona. Hase yeeshee waxay arintan daba socotaa middii ka dhacday magaalada Baarguun iyo Adhicadeeye, Imay iyo Abaaqorow ee ay ONLF ku dishay dad shicib ah kuwana ku dhaawacday oo illaa iyo hadda ay dhaawac ahaan u yaalaan isbitaalka magaalada Godey.
Sidoo kale waxay waraku sheegayaan in maanta ay magaalada Godey ka baxeen ciidamo military ah iyo kuwa deegaankaba oo sida la sheegayo raba inay ka sifeeyaan deegaankooda, isla markaasna raba inay ogaadaan qabiilka uu kasoo jeedo ninka wata ciidamada ONLF ee xasuuqa gaystay, taasoo laga yaabo inay keento isku dhicitaan qabiileed oo aan shaqo ku lahayn hawshan.
Isku soo duudooboo waxaa in badan masuuliyiinta jabhadda ONLF ee sida caadiga ah ku dhaqan dibadaha wadanka shirarka lagu weydiin jiray maxay tahay sababta ay jabhadiinu uga hawl gali ladahay deegaanada Godey iyo Afdheer oo waayadan danbe ka xasiloonaa deegaanada Qoraxey iyo Dhagaxbuur.
Laakiin waxaad moodaa inay su,aalahaas hore ay middan jawaab u tahay oo ay kaga dhabeeyeen hadalkoodii ayna bilaabeen laynta shicibka oo sida caadiga ah aysan xabadoodu u aabayeelin shicib iyo askari kii ay kudhacayso, balse aan fiirino sida dadweynaha reer Boodhcaano arinkaas u qaabilaan.
Dhinaca kale waxaa magaalada Godey ka maqan gudoomiyihii degmada iyo kii Gobalkaba oo labaduba jira xarunta Killika ee JigJiga.