Shalay oo ay taariikhdu ahayd April 15, 2006, waxaa Colubus, Ohio ka dhacay shir-wayn oo taariikhi ah oo dhexmaray Odayaal dhaqameedkii Somalida reer Ogadenya iy Jaalida reer Columbus Ohio.
Shirkan oo ay Jaaliyada reer Columbus si layaable u soo qaban qaabiyeen, ayaa waxuu socday 3 saac iyo 30 daqiiqo. Mudadii shirku socday, dadku waxay u muuqdeen in ay filim (movie) daawanayaan, sida loo aamusan yahay iyo sida loo dhuuxayay warbixinada socda, iyo waliba sida shirka loo daadihinayay.
Jaaliyada reer Ohio waxay shalay muujiyeen sharaf iyo aqoon sare oo ay ku qaabileen Ugaasyada iyo Odayaasha dhaqanka ee reer Ogadenya. Dadka reer Ohio waxay Odayaasha u muujiyeen qadarin iyo xushmad badan taasoo ay Odayaashu aad uga maqsuudeen intii ay Columbus joogeen, gaar ahaan shirkii shalay ee layaabka lahaa!
Shirkan oo ahaa midkii ugu horeeyay ee Salaadiintu ay layeeshaan Jaaliyada reer Ogadenya ee kudhaqan cariga Maraykanka isla markaasna ahaa mid si aad ah loo sugayay ayaa waxuu ku dhamaaday guul, xiiso iyo xamaasad aad u saraysa oo aan la qiyaasi karin.
Shirkii Ohio ee shalay ayay wali dadwaynahu is dhexwadaan, iyadoo aad moodo inay dadku heleen macluumaad badan oo siyaabo kale loo haystay.
Shirku waxuu kakoobnaa laba qaybood. Qaybta 1aad oo ay Jaaliyada reer Ohio kaga hadashay soo dhawaynta Ugaasyada/Odayaasha iyo arimaha Jaaliyada qabyada ka ah iyo Qaybta 2aad oo ay Salaadiintu lahaayeen.
Shirkii Ohio ee shalay oo xiiso badan lahaa iyo siduu u dhacay:
Xidhiidhiyaha shirka - Muse Macalin oo si layaable u daadihiyay. Hadalka waxaa ururinayay - Engineer Cabdikariin Sahal Kubey.
Shirka waxaa lagu furay Aayado Qur'aan ah oo uu akhriyay Muse Macalin.
Aqoon yahan Cabdi Adan - oo kasocda Jaaliyada reer Ohio islamarkaasna kamid ah madaxda hayda CRIS ayaa waxuu kahadlay arimaha Jaliyada sida doorashooyinka soosocda ee Ohio Somali Community Board iyo sidii wax loola qabsan lahaa Jaaliyadaha kale ee Somalida reer Ohio.
Aqoon yahan Maryan Aw-cali - oo kasocota Jaaliyada Ohio islamarkaasna madax ka ah Haweenka Somalida reer Ohio ayaa ka hadashay baahida dhabta ah ee maanta loo baahan yahay in runta laysu sheego. Marwo Maryan waxay ku nuuxnuux satay in raggu uu ayahy mashaakilka haysta Samalida reer Ogadenya loona baahan yahay in raggu garto in Dumarku yahay halbowlaha umada sidaa awgeed talada iyo ra'yigaba laga qayb galiyo. Ugaasyada waanu soo dhawaynaynaa, waana garab istaagaynaa haddii ay wadaan maslaxada umada ayay Marwo Maryan hadalkeedii kusoo koobtay.
Ahmed Hamud - oo ah ganacsade, katirsan reer Ohio isla markaasna ah madaxa Xawaalada KAH EXPRESS ayaa waxuu aad uga hadlay Jaaliyada iyo sida loogu baahan yahay in wax wada qabsi, midnimo iyo daacadnimo ay tahay lagama maarmaan si Jaaliyada baahideeda loo daboolo.
Qaybtii hore kadib waxaa laqaatay break Salaada Casar lagu tukado.
Qaybtii 2aad oo aad loo sugayay ayaa waxaa lagu wareejiyay microphone ka Odayaasha waxayna u dhacday sidan:
Sh. Moxamed Abdullahi Sh. Cali (Sh. Farxaan) ayaa guurtada hadalkii u bilaabay, mahad celin kadib Sheekhu waxuu kubilaabay hadalkiisii xadiis iyo aayado qur'aan ah. Sh. Farxaan waxuu cadeeyay inaysan Itoobiya soo dirsanain Odayaasha, balse ay u yimaadeen walaalahood si ay wada tashi ulayeeshaan, si maslaxo iyo wanaag loo gaadho. Sh. Farxaan waxuu carabka ku adkeeyay in loo baahan yahay in lawalaaloobo si dalkeenii nabad iyo xasilooni loo gaadhsiiyo.
Ugas Cali Mataan Ashkir (Cali-Aar) ayaa lagu soo dhaweeyay hadalkii. Cali-Aar waxuu yiri Guurtida Itoobiya masoo dirsanin, anaga ayaa goosanay inaan dadkayaga iyo dalkayaga danahooda ka shaqayno. Waxaanu doonaynaa inaan ONLF laxaajoono si nabad iyo iyo horumar loo gaadho. Cali-aar waxuu ku dheeraaday in Odayaashu rabaan in dalka sidii nabad loo gaadhsiin lahaa lagawada shaqeeyo, lana wada tashado.
Ugas Cabdiraxman Ugas Muxumed Ugas Qani ayaa microphone kii lagu soo dhaweeyay. Ugaska oo sacab iyo sawaxan lagu soo dhaweeyay ayaa hadalkiisii ku furay mahadnaq uu u soo jeediyay Jaaliyada reer Columbus Ohio, oo sheegay inuu rajaynayo in gobolada hadhay ay kafilanayaan sida layaab kale ee reer Ohio ay u farxad galiyeen Guurtida oo kale.
Ugasku waxuu yiri; haddaanu nahay Odayaashii dhaqanka "dhamaan tayo waxaanu matalaa dalkii gobol walba iyo geed walba". Ugaaska oo qeexayay socdaalkooda waxuu yiri; annaga (Guurti) "Itoobiya nama soo dirsanin", balse sahay ayay nasoo siisay, anaga ayaana waydiisanay.
Ugas Cabduraxman oo hadalkiisa sii wata waxuu yiri; waxaan u soconay inaan wada hadal layeelano Jabhada ONLF. Waxaan rabnaa inaan ONLF kala hadalo danta iyo maslaxada ummada. Waxaan rabnaa inaan ONLF kala hadalo xal waara siddii loo heli lahaa. Waxaan wadnaa wada xaajood iyo wax is waydiin ku saabsan maxaa inaga halaysan iyo maxaan wada jir ahaan u qabsan karnaa? Sidaa waxaa yiri Ugas Cabdiraxan.
Ugasku waxuu yiri ujeedada safarkayagu waa wada hadal iyo wada xaajood oo kaliya. Ugaasku waxuu ku nuuxnuuxsaday in loo baahan yahay in inta lawada fadhiisto si dhab ah oo aan waxba lakala qarsanin loo wada xaajoodo. Haddaanu nahay hogaamiyaashii ummada, xil ayaa naga saaran danta iyo maslaxada ummada.
Ugas Cabdiraxman waxuu Jaaliyada u sheegay in dhegta loo dhigo bal waxa Odayaashu lasoo baqooleen. Ugaasku waxuu ku celceliyay "Nala arka waxa aan wadno". Kala qayb sanaan kuma siijiri karnee waa inaan dhinac isu raacno - oo aan inta wada hadalo waxuun isku raacno. Laakiin inaan dhinacyo iska soo horjeeda kala joogno dan iyo maslaxo midna inooguma jirto.
Ugaska oo hadalkiisa ay hakinayeen sacab iyo sawaxan kadib waxaa bilowday su'aalo farabadan. Jawaabihii su'aalaha oo kooban waa sidan:
Su'aal sidee baad u aragtaan in xal lagu gaadhi karo? Ugas Cabdiraxman oo inta badan kajawaabayay su'aalaha waxaa jawaabihiisii kamid ahaa; waxaanu rabnaa in si dhab ah loo wada hadlo si uu u baxo "cudurka dhexdeena yaala". Dhinac inaan isu raacno "dhankuu doono ha ahaadee".
Su'aal maxuu yahay wada hadalka ONLF iyo Guurtidu? Ugas Cabdiraxman wxuu ku jawaabay; waxaan rabnaa inaan ONLF la xaajoono. Waxaan aaminsanahay in maanta wax inoo "dhow yahay".
Su'aal - haddii ONLF ay nabad qaadato balse ay kuwo kale oo hubaysan ay soo baxaan, maxay tartay nabadii ONLF? Ugas Cabdiraxman waxaa uu kujawaabay - hadda waxaynu ka hadlaynaa wanaag iyo nabad in lagaadho - marka dhinaca wanaagsan ayaynu ka eegaynaa. Hana layska daayo -- sidaa hadaan yeelo (Hypothesis questions) armay sidaa dhacdaa?
Ugas Cabdiraxman oo ay kamuuqatay diyaar garow sare ayaa aad loola dhacay qudbadiisii iyo jawaabihii su'aalaha uu ka bixiyay. Runtiina xamaasad iyo qiiro galiyay dadwaynihii kasoo qaybgalay shirka. Kadib markuu shirku dhamaaday, GodeyNews oo waraysi goos goos ah layeelatay dadwaynihii kasoo qayb galay shirka ayaa halkan kusoo koobaysa aragtida dadwaynaha iyo sida ay u arkaan mowqifka Odayaasha dhaqanka. Waxaan waydiinay dadwaynihii shirka kasoo qayb galay sida ay u arkeen shirka? Dadkii aan lakulanay waxay sheegeen inay si aad ah ula dhaceen hadalka Odayaasha, ayna mudan yihiin in lasiiyo jaanis bal waxa ay wadaan lagula arko.
Figradii markii hore ay qabeen iyo mida ay shika kadib qabaan? Dadkii aan lakulanay waxay ku jawaabeen inay layaab ku noqotay hadalada kasoo yeedhay Ugasyada oo ay san filanaynin markii hore. Dadku waxay sheegeen in Ugaasyadu ay muujiyeen geesinimo iyo inay aqoon u leeyihiin waxa ay kahadlayaan.
Isku soo wada duuboo dadkii shalay nasiibka u helay inay shirka kaqayb galaan waxay isku raaceen inay ku qanacsan yihiin sida quruxda badan ee ay Odayaashu u war bixiyeen ugana jawaabeen su'aalihii dadwaynaha.
Faalooyinka shirkii Ohio iyo sawiradii shirka fadlan kala soco GodeyNews.com
GodeyNews Staff Columbus, Ohio GodeyNews.com
|