Godey: Odaygii( Beel-Dhaan Mahad) oo ay ONLF ku afduubtay weerarkii magaalada Boodhcaano ayaa ciidamadii ka daba birmaday xoog iyo dagaal dhacay kusoo furteen
Wariyaha Godeynews uga soo warama magaalada Godey ayaa waxuu hadda nasoo gaarsiiyay in dagaal lagu soo daayay odaygii ay maalin dhaweyd jabhadda ONLF afduubatay isagoo xanuunsanaa markii horeba, ayaa haddana xaaladiisa caafimaad laga dayrinayaa.
Wararku waxay intaas ku darayaan in 12 qori oo ay ONLF kala baxday bakhaar kuyaalay magaalada dib looga soo furtay dagaal dhacay oo wax kudhintay aan illaa iyo hadda la sheegin. Balse jiritaanka dib u furashada hubkan ayaan cadayn oo waxaan heynaa warar kala gedisan mid oranaya markii laga daba birmaday oo la ogaaday nimanku meesha ay kasoo jeedaan ayay waxay balan qaadeen inay qoryihii soo celinayaan oo soo celintooda xilli ayay u qabteen. Hase yeeshee 2 qof ee la dilay iyo kuwii dhaawac ahaa ayaa wali dhibaatadeedu aloosan tahay oo aysan damin.
Dhinaca kale waxaa jira dadaal dhanka wax garadka deegaanka oo ay ku mamnuuceen inay dhalinyaradu weraystaan odayga lasoo daayay, maadaama laga yaabo in lahelo magacyada falka gaystay oo keeni karta isku dhicitaan qoysas walaalo ah oo aan danbigaba in la gaystayba dhici karto inaysan ogayn.