San Diego: Ugaasyaddii qaybtii N. America oo xalay gaadhay San Diego, California
Oday dhaqameedkii baryahanba ku sugnaa Columbus, Ohio ayaa shalay galabnimaddii ka dhoofay Ohio una kicitimay San Diego California si ay u sii anbaqaadaan qorsha nabadeedkoodii ay u soo baqooleen.
Wararka naga soo gaadhaya San Diego waxay sheegayaan in dadwayne aad u fara badan oo ay hor kacayaan Ugaasyo iyo Odayaal dhaqameedka Jaaliyada reer San Diego ay Guurtida kusoo dhaweeyeen San Diego Airpot.
Soo dhawayntii Guurtida ee Airportiga kadib waxaa Salaadiinta loo qaaday guriga Suldan Cabdi Wali Cabdi Haybe oo casho sharaf loogu sameeyay.
Waxii warar ah ee dheeraad ah kuna saabsan Odayaasha iyo shirarka ay layeelan doonaan Jaaliyada reer San Diego fadlan kala soco GodeyNews.com.