GodeyNews.com
......News and Views From Around the World
.
.


Home
| Submit News | Forum | Contact

Welcome!
Main Menu
Somali Links

BBC
11:00 - 11:15
14:00 - 15:00
18:00 - 18:30

Afdheer.com
•Allpuntland
Dhanaan.com
Doollo
•Faafan.com
GedoNet.com
GodeyOnline
•Halgan.net
•Hiiraan.com
Jijigawe.com
markacadey
Ogaden.com
Ogadennews
OgadenSun
•PuntLandPost
Qabridahare
Qalaafe.com
RadioFana
Somaliwide.net
•Somalitribune
•Somaliweyn
•S/galbeed.com
•SomaliHerald
•SomaliTech
Somalistate
Wabishabeele

Wardheer
XamarNet
Xaajo.com

 
Other Links

Al-jazeera
IrinNews
Reuters
Guardian
The Times
WashtonPost

Aflax
Al-Islam
IslamCity
IslamicFinder
IslamOnline
IslamWay
Mpacuk.org

Reuters

 
Baroor diiqii Boodh-Caano: Abaar iyo ONLF midkee baa daran?

Weerarkii bahalnimada ahaa ee ay ONFL ku qaaday shacbiga reer Boodh-Caano ayaa waxuu ku soo aaday wakhti aad u adag oo shacbiga reer Boodh-Cano ay Abaaro ba�an kujiraan. Sida aynu kawda warqabno gobolka geeska Africa ayaa waxuu kujiraa Abaarihii ugu kululaa ee soo mara taariikhda gobolka, iyadoo horay loo waayay Roobkii Dayrta, ayaa Gu�gii oo lafilayay inuu bilowdo dhamaadkii bishii March wali laga war sugayaa. Sida aynu dhamaanteen uga wada war sugayno, ayay dadka reer Boodh-Caano Allahooda qaadirka ah uga warsugayeen bal inuu raxmaddiisa u soo dadejiyo.

Iyadoo ay xaalada nololeed ee degaanku ku jirto meel aad u adag oo caalamka kaalmo iyo caawimaad inuu u fidiyo wax u yabooha lala yahay, ayaa arooryaddii hore ee April 16, wakhtiga zone ka Godey, qiyaastii 5:30 subax nimo ayay dadkii reer Boodh-Caano waxaa hurdada ka kiciyay daryaan iyo sawaxanka wax ay dadku qalbigoodu uu moodayay �Onkod� Roob ama �Gugaca� Roobka. Balse waxaa nasiib daro noqotay in meeshii ummada Abaaraysan ee reer Boodh-Caano ay kafilanayeen mar uun inay maqlaan Gugaca Gu�ga inay arintii isu badashay rasaas nacab, guluf iyo colaad, dhimasho iyo dhaawac, qax iyo kala orod, naxariis daro iyo jab!

Hanfariir iyo filan waa kadib, riyaddii Gugaca roobka waxaa badalay; Oohin iyo baroor ay dumarku ku barooranayeen hooyo habeloow maxaad galab satay, ii roonihiyow kuwaayay iyo erayo kale oo baroor diiq, ciil iyo cadho badan xanbaarsan!!!

Markiiba qayladii ayaa degaanka oo dhan gaadhay, shacbigii reer Boodh-Caano iyo nawaaxigeeda laba ayaa laysu qaybiyay, rag loo qoondeeyay inay Maydka aasaan iyo ciidamo beeleed loo dumay inay aar-gutaan! Si degdeg ah ayaa fadhi beeleed loo qaban qaabiyay, gudoonkuna waxuu noqday in lahelo qolada uu yahay masuulkii watay colkii ONLF ee galay reer Boodh-Caano. Su�aashuna waxay tahay; xaggee bay ku danbayni daandaansiga iyo dulmiga nalagu soo doontay?

Wararka xog ogaalka ah ee GodeyNews soo gaadhaya waxay sheegayaan in go�aanka ONLF uu yahay in nabada iyo xasiloonida laga xayuubiyo gobolka Godey, waana go�aan uu qaatay mmmulka sare ee ONLF. Wararka xaqiiqada ah ee soo gaadhaya GodeyNews waxay sheegayaan in colaada ONLF hurisay ay mar hore ku fiday dhamaan geyiga gobolka Godey. Wararku waxay sheegayaan in qalalaasaha ONLF uu ayaamahanba kasocday degaanka Baarguun. Waxaa nasoo gaadhaya in qaabka ay ONLF u hawl gasho ayaamahan uu yahay in laysu adeegsado dadka walaalaha ah, loona kala qaybiyo shacbiga kuwo xaq u dirir ah iyo kowo macaan jecel, daba qoodhi iyo waxii lahalmaala ah. Taasoo hurisay iska hor imaad joogta ah iyo deganaanshahii oo dhumay. Dad xog ogaal ah oo ka soo waramaya degaanka Godey waxuu sheegayaa in lafilayo dagaal cusub oo kadhaca nawaaxiga Baarguun. Ciidamo beeleed aad u hubaysan ayaana u diyaar garoobay kasifaynta ONLF ee degaankooda.

Dhanka kale budhcadii ONLF sheegatay ee shacbiga reer Boodh-Caano xasuuqday ayaa wali lagu raad joogaa oo geed kay galaanba laga saarayaa ilaa lahelo midkooda ugu danbeeya.

Hadaba akhristow midkee baa daran Abaar iyo ONLF?
Ragga GodeyNews arimaha siyaasada u odorosa ayaan wax ka waydiinay su�aashan waxay ku jawaabeen in taariikhdu sheegayso in Colaadu ay tahay shayga ugu dhibka badan ee bani�aadamka qabsada. Maxaa yeelay Abaartu waa Alle keen oo mar uun bay naxariista Alle kaa dul hoortaa, balse Colaadu waa dad keen oo ilaa dadku ay gacmahooda iskaga qaadaan kama tagto, xuqdi, aarsi iyo aana goosi badana waa reebtaa.

Waagii hore xaajo ayaa wax lagu dhamayn jiray, laakiin maanta cid lagala xaajoodo ONLF majirto oo iyaga ayaaba kuu qiranaya inaysan jirin meel toos ah oo wax maamusha. Taasna waxaa marag u ah in ilaa iyo hada lala yahay cid qaabisha Odayaashii dhaqanka ee nabada soo doonay iyo cid diida midnaba. Dhalin yaro ayaa dhooban meel walba, waxayna kuu sheegayaan inuu jiro jaha wareer badan, afduub iyo kali talis badan iyo shaqada oo aan aad u kala cadayn cida iska leh. Annaa idhi, iyo siyaasad indha la ayaa wax walba qaribay ayay sheegayaan ragg meel ay wax ka qabtaan la� oo ONLF ka tirsan.

Dhacdooyinka aadka u foosha xun ee ay ONLF ka bilowday gobolka Godey waa mid ay indhaha ku hayaan wax garadka iyo aqoon yahan ka gobolka u dhashay.

Isku soo wada duuboo dadka reer Godey u dul qaadan mahayo in dalkooda, dadkooda iyo danahoodaba dumiyaan dad gobolo kale ka soo duulay, danta ay leeyihiina ay iska cadahay, oo ah in nabada, xasiloonida iyo horumarkaba laga qaado shacbiga masaakiinta ah ee beeralayda iyo xoola dhaqatada ah.

Mudo todobaad ah, waxaanu wadi doonaa qoraalo aanu ku eegayno uguna baroor diiqayno dadkii ay ONLF sabab la�aanta ugu gumaaday magaalada Boodh-Caano.

GodeyNews Staff
GodeyNews.com

PRINT THIS ARTICLE
�Godeynews.com

 



Make Godeynews default homepage 

Godey_Foundation
 
Maqaal / Aragti
Dadkaaga oo aad leysaa darajo laguma gaadho Abdi Illeyow. Qore Nuur Gacamey 02 Nov 2024


Xabashida Oo Ka Qeyb Gashay Qaybsigii Afrika by Haldhaa. Qore Mohamed-Deeq Abdimadar �Haldhaa� 01 Nov 2024

BAYDHABO WAA LA XOREYNI. Qore: A. M. Yusuf 28 Oct 2024

In Memory of the Dervishes of Somaliya. By Arte Moallin III 27 Oct 2024

Talo siin Dadweynaha reer Puntland. Qore Cali Jaamac Cali 27 Oct 2024

Hangaraarac luug uma dhutiyo. Qore Nuur Gacamey 16 Oct 2024

GABAY: Waxaan ugu jawaabayaa ninkii usoo jawaabay gabaygii Abshir Bacadle ee kusaabsanaa qabsashada magaalada Kismaayo. By Cabdi Galadiid 13 Oct 2024

Sideeynta Ciid Daahir Faarax iyo xabsi kusii haynta Mahadi Ayuub maxay kuumujineysaa.? Qore Nuur Gacamey 12 Oct 2024

Nimaanan Shantaada Kaa Celinin Sharci Kaama Celiyo. Qore Ugbad Cabdullaahi 12 Oct 2024

The Clumsy words from ogadenonline editorial board. By A Hassan 05 Oct 2024

Ujeeddo: Ogaden Student Forum oo Cambaareyay Afduubkii loo gaystey Radio Xoriyo. 04 Oct 2024

Sheekh Xasan Turki oo Laad Yar ku Salaxay Barre Hiiraale. Qore Cabdi Miriq 01 Oct 2024

Taageerida xoogaga maxkamadaha ee la wareegay Jubbooyinka waa arin aan loo kala hareynin. [Qore: Ugbaad Cabdulaahi] 01 Oct 2024

Xawaaraha Kacdoonka Shacabka Somaliyed iyo Rajada Midnimada Wadanka laga Qabo. [Qore. Eng. Abdulkadir Abiikar]: 01 Oct 2024

Jaaliyadda Absame ee Bristol UK oo katala bixineysa qorshaha cusub ee beesha Absame. 30 Sep 2024

<< Previous 1 2 3 4 5 6 7 8 Next >>

 

 

     
       

Home | Submit News | Forum | Contact
All Rights Reserved. 2005. GodeyNews.com