Shirkii Oday Dhaqameedka Ismaamulka Soomaalida Ethiopia ee (London, UK) oo Guul iyo Is Afgarad Ku Dhamaaday
Shirkii in mudda ahba laga sugayay in guurtada ismaamulka soomaalida Ethiopia u qabtaan jaalliyadooda kudhaqan UK ayaa maanta (23/04/06) kadhacay Hall aad u weyn oo kuyaalla degmada Hounslow ee galbeedka London. Shirkaas ooy kasoo qay galeen dadweyne kabadan 650 qof oo isugu jira dumar iyo ragba.
Shirkan ayaa ahaa mid si heer sare ah ay usoo u baabuleen xubnihii loo doortay inay hirgeliyaan qaab usocodka iyo hogaaminta shirka. Dhinaca kale waxay dadweynihi fara badnaa ee shirka kasoo qayb galay si ixtiraam iyo sharaf leh u dhagaysteen warbaxintii Guurtada oo tafatiran.
Ugaas Cabdi Ugaas Axmed Haashi oo ku hadlayay magaca guurtada ayaa si qoto dheer uga hadlay hawshii ay soo qabteen illaa iyo maalintii ay u istaageen xal u helidda arintan gaamurtay ee gobalka Ogaadeeniya. Waxaa kaloo Ugaasku ka warbixiyay kulankii iyaga Railsul Wasaaraha Fedaraalka Ethiopia iyo waxyaabihii ay kala hadleen iyo waliba sida uu ugu balan qaaday xal uhelidda is afgaran waaga siyaasadeed ee ka taagan Gobalka Ogaadeeniya.
Sidoo kale waxaa meeshii kawada hadlay Guurtadii inteedii kale oo iyana sii tafaftiray warbixintii ku saabsanayd socdaalkooda iyo waxii u qabsoomay gudo iyo dibadba.
Intaas kadib waxaa bilaabmay su,aallo aad u fara badan oo dhinacyo badan taabanaya, taasoo ay dadku si xor ah u weydiinayeen odayaasha, iyaguna ay si fiican oo xog ogaalnima ah ugu jawaabayeen dadweynihii su,aalaha soo weydiinayay oo sida muuqatayna ay aad dedweynuhu ugu qanceen.
Shirkiina waxuu ku dhamaaday guul iyo is afgarad iyo in la xoojiya xoogagga nabad gelyada ee guurtada Ismaamulka Soomaalida Ethiopia ay hormuudka ka yihiin. Dhinaca kale waxaa shirkii kasoo baxay bayaan lagu taageerayo odayaasha iyo hawlaha nabadeed ee ay kawadaan deegaanka Ismaamulka Soomaalida Ethiopia.
F.G: Qodabada bayaanka shirka kasoo baxay dib ayaan idinka soo sheegi doonaa iyo sawirro fara badan oo aan kasoo qaadnay shirka ee lasocda qoraalada danbe ee Godeynews.com.