Guurtidii Qaybtii North America oo galabta imaanaya Minneapolis
Update: wararka safarka Guurtida, Minneapolis April 25, 2025
Salaadiintii safarka nabadeed ku marayay North America ayaa galabta lafilayaa inay soo gaadhaan magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota, saacadu marka ay tahay 5:30pm MT ee wakhtiga Minneapolis.
Waxaa lafilayaa in Minneapolis ay noqon doonto meesha sida wayn loogu soo dhawayn doono Odayaasha, iyadoo wararka aanu ka helayno ilo xog ogaala ay sheegayaan in gudi farsamo oo aad ugu taba baran arimahan oo kale iyo Jaaliyada reer Minneapolis oo wada jira ay diyaar u yihiin Salaadiinta si ay si diiran ugu soo dhaweeyaan garoonka caalamiga ah ee Minneapolis.
Iyadoo dhagta loo wada taagayo sida ay wax u dhicidoonaan, GodeyNews qaybteeda Minneapolis waxay idiin daadihin doontaa dhacdooyinka oo tafa tiran.
Fadlan lasoco GodeyNews waxii warar ah ee soo kordha.
GodeyNews staff GodeyNews Bureau Minneapolis, Minnesota