Waxaa dhammaan la ogeysiinayaa dadka Soomaaliyeed ee ka soo jeeda deegaanka Soomaalida ee Itoobiya ku dhaqan gobolka Minnesota in la qaban doono shirkii guurtida uuna dhici doono Maalinta Axada, 04-30-06, Saacadu marka ay tahay: 2:00
Hadaba ayadoo aan ka wada dharagsanahay xaalada guud ee wadankeenii hooyo, ayaa hadana waxaa lagama maarmaan ah in ay Jaaliyadeenu muujiso isu soo dhawaansho aan ku muujinayno wada jirkeena iyo isku duubnimadeenaba. Waxaan codsaneynaa inaan xafladan ooga soo qayqaadano si ay ku dheehan tahay wadaninimo iyo is jeceyl.