Update: wararka Shirka Guurtida, Minneapolis April 30, 2025 Salaadiintii safarka nabadeed ku marayay North America ayaa wakhtigan xaadirka ah la shiraya Jaliyada reer Minneapolis.
Wararku waxay sheegayaan in ka qayb galku uu yahay mid aad u balaadhan, iydoo bilowgiiba qiyaasta tirada dadka lagu sheegayo ilaa dhowr-boqol oo qof, walina aysan fari ka qodnayn oo dadku ay kusoo qulqulayaan goobta shirku kasocdo.
Wariyayaasha GodeyNews ee goobta shirku kasocdo ayaa sheegaya in qaban qabada shirku uu yahay mid aad u sareeya, iyadoo ay dhinica nabad galyada ilaalinayaan ciidanka police ka ee degaanka Minneapolis si loo sugo amaanka maadama ay tirada dadku aad u badan tahay.
Waxii warar ah ee isasoo tara fadlan kala soco GodeyNews Live.
GodeyNews staff GodeyNews Bureau Minneapolis, Minnesota