Update: wararka Shirka Guurtida, Minneapolis, April 30, 2025
 Shirkii Guurtida Somalida Ogaden iyo Jaaliyada reer Minneapolis oo ku dhamaaday Guul iyo is afgarad buuxa!
Wariyayaasha GodeyNews oo si toos ah uga soo tabinaya wararka goobta shiku ka dhacay ayaa sheegaya in shirkii lawada sugayay ku dhamaaday nabad iyo is afgarad buuxa. Wariyayaashu waxay sheegayaan in dadku ay si sharaf iyo xurmad leh ku dhagaysanayeen gabi ahaanba qudbadihii Guurtida.
Shirkan oo dadkii kasoo qayb galay lagu qiyaasay ilaa 500 oo qof waxuu noqday midkii ugu dad badnaa uguna amaan fiicnaa inta la garanayo shir ka dhaca Minneapolis, kuna dhamaaday qurux iyo midnimo buuxda!
Dadku waxaad moodaysay inay xiiso dheeraad ah u qabeen inay mar uun maqlaan aragtida Odayaasha ee ku aadan wax kaqabashada xaaladaha murug san ee dalkoodii kusugan yahay. Reer Minneapolis waxay maanta muujiyeen dareen xoog leh oo ay dadku u qabaan in xal loo helo xaalada cakiran ee Ogaden. Dhagaysiga iyo dhuuxida ujeedada Odayaasha waxay noqotay mid mudnaan gaar ah ay dadku siinayeen.
Siduu shirku u dhacay iyo qudbaddii Odayaasha oo aanu soo koobnay waa sidan: Gudigii maamulka shirka gacanta ku hayay ee reer Minneapolis ayaa shirka furay kadibna ku soo dhaweeyay Guurtidii Somalida Ogaden. Salaadiintii nabada ee Somalida Ogaden waxay sheegeen inay Itoobiya lakulmeen, kadib wada hadalkii dawlada Itoobiya nadhexmaray ayaan goosanay inaan dadkayagii u soo gudbino waxii Itoobiya na dhex maray.
Itoobiya waxbay maanta inoo ogoshahay ee bal inta aynu isla fiirino aynu go'aan wada jir ah ka qaadano wada tashi noocaas ah ayaanu lasoo baqoolay ayay yiraahdeen Odayaashu.
Waxii dhib iyo khasaaro ah ee dhacay, waa dhacay, wada hadal ayay Itoobiya ogoshay ayay Odayaashu u sheegeen umadii ka soo qayb gashay shirkii Minneapolis.
Warbixintii Ogdayaasha kidib waxaa furmay su'aalihii oo dhamaantood ay Odayaashu si xarago iyo xog ogaalnimo leh ay ugawada jawaabeen. Gaar ahaan Ugas Abdirahman ayaa sidii lagu yaqaanay ay dadku kawada dhargeen jawaabihii uu ka bixiyay goobtii shirka.
Dhamaadkii shirka wariyayaasha GodeyNews oo waraysi gaaban layeeshay Ugas Abdirahman Ugas Muhumed Ugas Qani waxuu sheegay inuu gabi ahaanba maqsuud ka yahay sida layaab kale ee reer Minneapolis u soo dhaweeyeen, una qaabileen, isla markaasna ay shirka uga soo qayb galeen. Ugaska oo hadalkiisa sii wata waxuu sheegay inuu si aan laqiyaasi karin ugu farax san yahay sida uu shirkii maanta u dhacay. Ugaska oo ku hadlayay magaca Guurtida waxaa uu sheegay inay xasuustiisa waligii ku jiri doonto sharfiddi, walaaltinimadii iyo qadarintii uu kala kulmay reer Minneapolis. Ma'iloobi doono wanaaga aan kala kulanay reer Minneapolis ayuu yiri Ugas Abdirahman Ugas Qani.
Wariyayaasha GodeyNews waxaa kale oo ay waraysiyo goos goos ah layeesheen dadwaynihii reer Minneapolis ee shirka kasoo qayb galay, iyadoo aanu waydiinay dadka su'aasha ah ... aragtidaada naga sii sida shirku kuula muuqday? Dhamaan dadkii aan waraysanay oo isagu jiray rag iyo dumarba waxay sheegeen inay si aad ah ugu farxeen sida xog ogaalnimada leh ee ay Odayaashu uga warbixiyeen xaalada guud ee jirta. Dadku waxay aad isagu raaceen inay aad ula dhaceen arinta ku saabsan inay Odayaashu u socdeen wada tashi iyo wax is waydiin, si xaalada murug san xal wada jir ah loogu raadiyo!
Waxaanu taageeraynaa mawqifka Odayaasha, isla markaana aanu raali ka nahay in xal si wada jir ah loo raadiyo ayuu ahaa dulucda hadalka ee dadkii aanu lakulanay!
Wali waxaanu badh tamaha kaga jirnaa ururinta wararkii shirkii Minneapolis, hadaba waxii warar ah ee isasoo tara fadlan kala soco GodeyNews Live.
GodeyNews staff GodeyNews Bureau Minneapolis, Minnesota
|