Generalka madaxa ka ah ciidamada milatariga ah ee cusub (Ogaadeeniya) oo saldhig dhexe oo (Commond Contral Centre HQ) ka samaystay magaalada Dhanaan
Wararka sida tooska ah Godeynews uga soo gaaraya wariyaasheeda ku sugan gudaha wadanka Ismaamulka Soomaalida Ogaadeeniya ayaa waxay soo sheegayaan inuu Magaalada Dhanaan u joogo ninka ugu sareeya ciidamada gobalka, kaasoo ah General milatari ah oo madax ka ah Ciidamada milatariga ee dawladda dhexe qaybteeda cusub ee gobalka Soomaalida loogu tala galay inay ka hawl gasho.
Ciidamadan ayaa sida la sheegayo saldhig dhexe looga sameeyay magaalada Dhanaan si ay ufliyaan hawlahan cusub ee lagu sugayo nabad galyo xumida deegaanka oo ay sida lawada ogyahay dawladdu ku eedayso jabhadda ONLF.
Magaalada Dhanaan ayaa ku taalla meel istraatijiya ah marka la fiiriyo dhinacyo badan waxay noqonaysaa mid si fudud loogu kala gooshi karo deegaanka intiisa kale sida Gobalka Qoraxey, Gobalka Godey intiisa kale, Nogob iyo waliba Wardheer iyo Dhagaxbuur.
Ciidamadan cusub ee hadda imaaday dhulka Soomaalida Ogaadeeniya ayaa sida la sheegayo illaa iyo hadda aan fulinin hawl galyo badan oo sidaas loo buun-buuniyo, balse waxaa jira dareen baqdimeed oo ay dadku ka cabsi qabaan in markii ay bilaabaan hawl-galkooda ay sababi karto xad gudubyo dhinaca shicibka ah oo kaga imaata labada dhinacba.
Waxaa dhinaca kale naloo xaqiijiyay in maamuladii degmooyinka iyo xildhibaanadiiba ay dib ugu soo laabteen deegamadoodii laga soo doortay si ay dadka ugu wacyi geliyaan ka fogaanshaha waxay ku sheegeen ururada nabad diidka.