Addisababa: Guurtadii Ismaamulka Soomaalida Ogaadeeniya oo todabaadka soo socda PM Zenaawi la kulmi doona
Guurtada Ismaamulka Soomaalida Ogaadeeniya oo hadda qaybtoodii yurub ay dib ugu laabteen wadankii gudihiisii ayaa sida warar xog ogaal ah Godeynews u sheegayaan in todabaadka soo socda shir albaabudu u xiran yihiin la yeelan doonaan Raisul wasaare Meles Zenaawi.
Waxaa la filayaa in guurtadu ay ka warbixin doonaan waxii uga qabsoomay hawlahoodii nabadeed ee ay usoo aadeen dibadda iyo la kulankoodii jaaliyadahooda ku dhaqan wadanka dibadiisa. Sidoo kale waxaa la filayaa in guurtada iyo Zenaawi ay isla korfayn doonaan wajiga labaad ee ay ku damacsan yihiin sidii looga gudbi lahaa qulquladaha iyo nabad galyo xumada ka taagan goballada Ogaadeeniya qaarkood. Kadibna loogu jeedsan lahaa qaabka iyo sida ugu wanaagsan ee loo bilaabi karo barnaamijyada horumarineed ee shacab weynaha ku dhaqan dhulka ismaamulka Soomaalida Ogaadeeniya inta badan ay ka oomanayeen.
Waxyaabaha ugu horeeya ee la filayo in la isla soo qaado ayaa waxaa kamid ah in wadanka gudihiisii lagu qabto shir weyne balaaran oo dibada iyo gudahaba laga soo qayb geli doono go,aamadiisana ay noqon doonaan kuwa lagu hawl galo oo hadii lagu guulaysto wax ka badali doona siyaasadda fadhiidka ah ee ka taagan deegaanka.