Godey: Mudane Abdi-Raaxo iyo masuuliyiin kale oo maanta gaaray Godey
Waxaa maanta magaalada Godey soo gaaray mudane Abdi-Raaxo oo kamid ah gudiga fulinta xisbiga lagana soo doorto gobalka Godey iyo masuuliyiin kale oo uu ka mid yahay wasiirka beeraha ee Kililka mudane Abdullaahi Abdi Laag iyo gudoomiyaha xisbiga gobalka Godey mudane Cabdi casiis sheekh iyo waliba madaxa xisbiga degmada mudane Cabdiraxmaan Aaden Ibraahim oo xili dhaw loo magacaabay jagada madaxnimada xisbiga degmada Godey.
Masuuliyiintan ayaa sida lasheegayo qaarkood qayb ka ah xubnaha xisbiga guddiga fulinta killilka ee loosoo kala diray deegamada laga soo doorto, si ay ula socdaan xaaladda deegaanka laga soo doorto.
Sidoo kale warar lagu kalsoon yahay ayaa Godeynews usheegaya in socdaalka masuuliyiintan uu ku wajahan yahay labo arimood oo kale;
* Dib udhiska xisbiga heer Gobal iyo mid Degmabo
*Kor u qaadidda wacyiga dadka iyo qiimaynta mashaariicda horumarineed ee kasocda deegaanka Gobalka Godey
Dhinaca kale waxaa la sheegayaa inuu xili dhaw la filayo inuu madaxweynaha kililka mudane Abdullaahi Lugbuur booqasho ku yimaado magaalada Godey, kadibna laga yaabo inuu usii gudbi doono magaalooyinka kale ee Gobalka Ismaamulka Soomaalida Ogaadeeniya.
Godeynews kala socda waxii warar ah ee kasoo kordha hawl galka ciidamada cusub iyo waliba dib u dhiska xubnaha xisbiga heer Gobal iyo mid Degmaba.