Sadexdii Oday ee Nabada oo kulan layeeshay shalay Mutacalimiin kasooo jeeda 9aalka Zone ee Somali Regional State.
Shir kooban ayay Salaadiintu shalay kula kulmeen Aqoon yahano, proffessors, Doctors, Engineers, Lawers, Siyaasiyiin, Odayaal, rag iyo haweenb isagu jira oo ka kalayimid agagaarka Washington DC, sida Meriland,Virgina, iyo Delaware
Shirka waxaa lagu qabtay 8350 Allexandaria Virginia count government building May 20, 2006, around 6:00 � 9:00pm.
Waxaa halkaas laysku dhaafsaday doodo, su�aalo, aragti iyo fikrad iswaydaarsasho hufan. Shirkaas waxuu kusoo gabagaboobay is afgarasho buuxda iyo in lays laqaato in nabad degaanka Kililka Somalida ka dhacada ay fure u tahay wax walba oo wanaag ah.
Waxaa laysla qaatay labadan qodob ee hoos ku qoran: 1. Waxaa laysla gartay layslana qaatay in nabad ay lagama maarmaan u tahay dadka iyo degaanka Kililka Somalida.
2. Waxaa laysla qaatay in dadka Kililka Somalida uu ka helo xuquuqdiisa oo dhan dhinaca dawlada Ismaaamuka Kililka iyo dhinaca dawlada Federal kaba, haday mid ismaamul tahay, haday mid dhaqaale tahay iyo haday tahay mid arimo bulsho tahayba iyo in gobalkaas nabad waarta ka saldhigto, si xaquuqda iyo nolosha dadka wax looga qabto, waxna looga badelo.
Wadahadaladii meeshaas ka dhacay waxay taab teen in adeega bushaada oo aad u liita sidii kor loogu qaadi lahaa isla markaasna in dadaal dheeraad ah loogalo sidii nolosha dadka wax looga badalilahaa.
Si go�aamada kor ku xusan loo hir galiyo waxaa lagama maarmaan ah in aqoon yahanka iyo wax-garaka debada iyo gudaha kunoolba ay iska kaashadaan, xil dheeraad ah iska saaraan dhinac walba siddii isbadal muuqda loogu samayn lahaa nolosha dadka ee degaanka Somalida.
Waxaa aad laysula qaadaa dhigay in Jaaliydaha debadu ay wax qabadkooda kordhiyaan, islamarkaasna codkooda iyo midnimadoodaba ay adkeeyaan, si dadkii iyo dalkiiba wax loogu qabto. Waxaa kaloo aad loo falan qeeyay in laxoojiyo isku xidhnaanta debada iyo gudaha. Wax-garadkii shirka kasoo qayb-galay waxay iftiimiyeen inay lama huraan tahay in aqoon yahan ka Kililka Somalidu layimaadaan dadaal dheeraad ah si wax looga qabto mashaakilaadka haysta ummada ay kasoo jeedaan ee degaanka ismaamulka Somalida ee Itoobia.
Waxaa kaloo aad loo xusay in dawlada Kililka iyo mida Federalkuba inay masuuliyad wayn kasaaran tahay wax ka qabadka dhibaatooyinka iyo hir galinta wax ka qabadka nolosha dadka iyo guud ahaan horumarka wadanka. Waxaa kaloo dawlada Kililka iyo mida Federalkaba xil adag kasaaran yahay ilaalinta xuquuqda dadka si loo dhawro xuquuqaha dadka sida mida gaar ahaaneed iyo mida guud ahaaneedba.
Isku soo wadaduuboo gunaanadkii wadahadalkii shalay ka dhacay Allexandaria, Virginia waxuu ahaa in nabad lawada qaato, waxaana laga soo jeediyay in lasii wado wadahadalkii iyo dadaalkii nabada ee uu dhexeeyay dawlada dhexe iyo ururka ONL, waxayna aqoon yahankii shalay shirka isagu yimid muujiyeen dareen ah in lasii dardar galiyo lana dhiiri galiyo dadaalkii ahaa inay si toos ah isu soo horfadhiistaan Dawlada dhexe iyo ururka ONLF si nabad waarta ay gobolka uga dhacdo, dhiiga daadanayana loo soo afjaro.
Waxaa kaloo shirkas kasoo if-baxday sida loogu baahan yahay in laysu diyaariyo, loogana midaysnaado xaaladaha jira iyo kuwa lama filaan ka ah ee ka jira ama ku imaankara guud ahaan geyiga geeska Africa gaar haana degaankeena ee qarnigan 21aad.
GodeyNews staff GodeyNews Bureau Columbus, Ohio
|