Qabridaharre: Isu socodkii dadweynaha kunool deegaanka Qabridaharre oo ciidamadu xayiraad kusoo rogeen iyo khadadkii telefoonada (Land Lines iyo internetka) JigJiga oo aan sidii hore u fiicnanyn
Wararka Godeynews kasoo gaaraya meelo kamid ah gudaha dhulka Ismaamulka Soomaalida Ogaadeeniya ayaa waxay soo sheegayaan waji colaadeed oo dadweynaha deegaanku uu culays aad u badan kasoo fuulay dhinacii ciidamada ee maalmahanba kusoo gurmayay wadanka gudihiisa.
Tusaalle ahaan ilo xog ogaal ah ayaa waxay noo sheegeen in magaalada Qabridaharre ay ciidamu u sheegeen dadweynaha inaysan u ogolayn inay dukaamada magaalada ay cunto badan ka gataan oo ay hadana banaanka magaalada ula baxaan. Dhinaca kale waxaa magaalada lagu soo rogay cuno qabateen xagga isu socodka gawaarida xamuulka ah ee magaalada iyo tuulooyinka raashinka u kala qaadi jirtay.
Waxaa kale oo ay ciidamadu intii ay joogeen magaalada Qabridaharre ka fureen xafiis cusub oo ay ugu tala galeen in dadweynaha deegaanka ay qoys-qoys u yimaadaan oo ay kusoo gudbiyaan magacyada dadka qoyskooda ah ee kujira ururka ONLF, taasooy is qoristeedii ay hadda dhamaatay, hadana waxay isu diyaarinayaan sidii uu qoys kastaba masuuliyiintoodu ugu boqooli lahaayeen Qabalahooda si ay ula soo tashadaan dadweynaha kunool qabalahooda.
Dhinaca kale Sarkaal ka tirsan ciidamada ayaa waxaa la sheegayaa inuu dadweynaha ugu hanjabay in hadii ay soo xarayn waayaan wiilashooda ay iyagu raadsan doonaan oo maydkooda magaalada lagu arki doono sidii kuwii hore oo kale.
Sidoo kale waxaa shalay illaa iyo xalay aad u qasneyd magaalada Godey oo la sheegayo inay ciidamu xir-xireen dad kala gedisan oo sida la sheegayo lagu eedeeyay inay taageeraan ururka ONLFta, hase yeeshee wali maanan helin tiradooda dhabta ah iyo magacyadoodaba. Waxay kaloo gidhaash ku sameeyeen baabuur ku sugnaa magaalada oo dad shicib lahaayeen.
Magaalada JigJiga ayaa iyadana maalmahan aanay shaqeynaynin khadadkii internetka oo aanay ahayn cilada xagga farsamada ah balse ay ka qayb tahay hawlahan cusub ee ciidamadu wadaan. Sidoo kale telefoonkii ayaa hadda shaqaynaya balse shalay iyo illaa iyo xalay dad badan ayaa sheegayay inuusan u shaqeynaynin sidii hadda kahor oo kale.