Magaalada Godey ayaa waxaa shalay lagu aasay qof dumar ah oo dad ehel u ah ay si aad u fool xun ugu dileen magaalada dhexdeeda. Sababta ay marxuumadan u dhimatay ayaa waxaa lagu sheegayaa in marka hore uu jiray khilaaf udhexeeyay iyada iyo qof dumar ah oo la wada qabay, kadibna waxaa asbaabo khilaafkaas la xiriira weerar ugu soo qaaday dad kakooban qoyskii kale oo meeshaas ku dilay qudhana kaga jaray.
Masuul ku hadlay magaca booliska magaalada Godey ayaa waxu carabka ku dhuftay inay gacanta ku hayan dad ka kooban 7 ruux oo lagu tuhun sanyahay inay fuliyeen amaba ay qayb ka hayaan dilkan loo gaystay marxuumadan oo ifka kaga tagtay 9 caruur ah.
Nasiib xumo ma aho markii ugu horeysay ee magaalada Godey dilkan foosha xun oo klae ka dhaco, ugu yaraan laba mar oo hore ayaa qaabkan oo kale ama si sidan u dhaw loo dilay 2 will oo dhalinyaro ah oo aan waxba galabsanin.
Iskusoo wada duudooboo dadka kunool magaalada iyo inta maqashaba qaabkan loo dilay marxuumada ay aad uga xumaanayaan uga argagaxayaan.