Boodhcaano: Gudoomiyaha Gobalka Godey ayaa Magaalada Boodhcaano ku xiray 2 nin oo (Lawyers) Ethiopian ah oo wax ka waday hawsha degma noqoshada Boodhcaano
Maanta Godeynews mar ay xiriir la samaysay magaalada Godey ayaa waxaa loo sheegay inuu Gudoomiyaha Gobalka Godey mudane Nadiir iyo Gudoomiyahiisa Degmada Godey ay xabsiga kuyaalla miraa Godey ku xireen labo (Lawyer) oo Ethiopian ah oo ka yimid Addisababa, kuwaasoo hawl ka waday Reportna ka qorayay hawsha la xirriirta degmo noqoshada Boodhcaano oo in mudaba ah qaban-qaabo iyo isu diyaarin ugu jirtay sidii ay aqoonsi buuxa oo degmanimo uga heli lahayd Killilka.
U diritaanka nimankan deegaanka Boodhcaano iyo waliba hawsha ay wadaan ayaa waxaa ka danbeeyay jaalliyadda reer Godey ee dibadda oo kaashanaysa Ambasador Abdi Dolaal iyo siyaasiyiin kale oo deegaanka ah, balse waxaa la yaab ku noqotay is hor istaagan ay nimankan masuuliyiinta ah ay hor istaageen hawshii loo diray labadan lawyer oo ay wax ka ogaayeen imaansha hooda iyo waliba waxa ay usocdaan.
Xiritaanka labadan shakhsi ayaa mar danbe ay ka war heleen masuuliyiintii kale ee maalmahan Gobalka Godey u joogay hawlaha la xiriira nabad galyada Gobalka, balse waxaa lagu ogaaday warbixin uu Mudane Nadiir siinayay guddiga nabad galyada Godey oo ay fadhiyeen masuuliyiinta kala ah Abdi- Raaxo iyo Cabdullaahi Abdi Laag oo labadooduba ah xubno kamid ah guddiga fulinta Xisbiga maamula Killilka Soomaalida, kuwaasoo meeshii ku amray inay nimankaas sida ugu dhakhsaha badan loo sii daayo, isla markaasna taageero buuxdana lagu siiyo hawlasha loo soo diray oo aan mudnayn in maamulku fara gashado ama uu carqaladeeyo.
Isla goobtii iyada oo la fadhiyo ayuu mudane Nadiir amray in gaari degdeg ah loo diro nimankaas si loo keeno Godey, taasoo illaa iyo hadda uu ku maqan yahay gaarigii loo diray kenistooda.
Iskusoo wada duudoobo waxa meeshan ka muuqda masuuliyad xumida ay kuwa dhahaya waxbaan mamulaa aysan kala garanaynin waxa bulshada muhiimka u ah ee u baahan in lagu taageero cid kastoo usocota, balse waxay caado ka dhigteen is daba maryeen iyo kala hoos guurid aadan garanaynin sababta ay u samaynayaan iyo waxa ay ka faa,idayaan.