Magaalada JiJJiga ee xarunta Killilka Soomaalida ayaa waxaa ka dhacay (28/05/06, 1900 hrs) saddex qarax oo wax yeeleeyay dad shicib ah oo ku sugnaa meesha qaraxayadu ka dhaceen .
Qaraxyadan ayaa waxay ahaayeen 3 qarax oo si is daba joog ah uga dhacay meelo ay dadku isugu soo ururaan oo ah 3 Cafeteriyaal wax laga cabo oo kale ah; Central Hotel, London cafe and Family cafe oo ku wada yaalla faras magaalha magaalada JiJJiga.
Taliye ku xigeenka Booliska JiJJiga Mohammed Hussen ayaa waxu ku nuuxnuuxsaday inuu qaraxan dhacay xilliga 7.00pm uuna ahaa mid is daba joog ah uga qarxay meeshan centreka ah, waxayna u ekayd in bombs lagu buuxiyay inay sidaas u wada qarxaan, waxaa meeshaas ku dhaawac may dad rayad ah oo kujiraan shaqaalihii meharadaha ka shaqeynayay iyo dadkale oo shicib ah oo ku sugnaa meeshaas.
Booliska ayaa waxay ku hawlan yihiin sidii ay gacanta ugu dhigi lahaayeen sharcigana u hor keeni lahaayeen dadkan ka danbeeyay falkan argagaxisada ah. Dhanka kale isbitaalka magaalada JiJJiga ayaa waxaa lagu daaweynayaa 23 qof oo dhaawac ah oo 7 kamid ah yihiin dumar, qaar -koodna dhaawacyo culus kusoo gaaray qaraxyadan.
Waxaa kale oo qof dumar ah oo isbitaalka u hadashay sheegtay inuu jiro nin loo gudbiyay magaalada Addisababa oo Boolis ah dhaawac helis ahna kasoo gaaray markii u baabuur kor maray kasoo cararay qaraxyadan.