Kalfadhigii 4aad ee Hayada Horumarinta Waxbarashada iyo Caafimaadka ee gobolka Jorre oo lasoo gabagabeeyay
Shirwaynihii 4aad ee JDA laguna qabtay Columbus, Ohio, May 27/28, 2006, ayaa ku dhamaaday siddii loogu talagalay.
Hayada horumarinta Waxbarashada iyo Caafimaadka ee gobolka Jorre ayaa kalfadhigeedii 4add ku qabatay magaalada Columbus ee gobolka Ohio. Hayadan oo labaddii sanaba mar samaysa doorashooyin lagu baddalo maamulkeeda ayaa kalfadhigeedii 4aad ee dhacay May 27 waxaa gabi ahaanba lagu baddaalay maamulkii jiray iyadoo ladhisay maamul cusub oo loo maray qaab doorasho sida uu dhigayo xeer hoosaadka Hayada.
Arimaha ugu xiisaha badnaa waxuu ahaa doorashada Gudoomiyaha oo laba wareeg loogu tala galay balse saddex wareeg laysla gaadhay, taasoo ay keentay iyadoo ay ku tartameen 4 nin oo soo bandhigay hanaanka uu mid walba ku doonayo inuu ku hogaamiyo Hayada labada sano ee soo socota. Iyadoo dadwaynuhu ay waydiinayeen musharaxiinta waxa uu kaga duwanaan karo musharaxa kale ee lagu dooran karo waxa uu yahay?
Gabagabaddii waxaa isku soo hadhay 2 nin tasoo nin kamid ah labaddii musharax ee isku soo hadhay uu ka hadhay doorashada sidaana uu midkii soo hadhay ku qaatay jagada Madaxwaynanimada ee hayada labada sano ee soo socota.
Ninka ladoortay oo layiraahdo Maxamed Sh. Xasan Bashir ayaa khudbad u jeediyay lagdankii doorashada kadib dadwaynihii waxuuna u mahad naqay dadwaynihii shirka isagu yimid iyo doorashadii layaabka lahayd ee laysku raftay. Madaxwaynaha cusub Mr. Maxamed Sh. Xasan waxuu carabka ku adkeeyay in ay dhacday doorasho xalaal ah kuna qotonta rabitaanka shacbiga gobolka Jorre taasina ay dhabaha u xaadhi doonto in loo dhaqaaqo dariiqa dimoqraadiyada oo ah dariiqa lagu gaadhi karo in dadku ay danahooda ka tashadaan, daganaansho iyo horumarna lagu gaadhi karo. Mr. Maxamed Sh. Xasan waxuu tibaaxay in taageerayaasha hayadan ay muujiyeen isku tashi iyo bislaansho aan hada kahor la�arag. Gudoomiyaha cusub oo haddalkiisa siiwata waxuu u sheegay dawaynihii shirka ka soo qaybgalay inuu balan qaadayo inuu tabar iyo caqliba isagu gayn doono ka midho dhalinta xilka loo doortay. Mr. Maxamed waxuu hadalkiisii kusoo gaba gabeeyay inuu shacbiga doortay kasugayo inay lashaqeeyaan si loogaadho danta iyo hadafka ku qotoma in lala dagaalamo Jahliga iyo Cudurada halakeeyay Caruurta iyo Hooyada Somaaliyeed ee dalkii kunool. Mr Maxamed waxuu ummada Somaliyeed ee qurbaha joogta ugu baaqay in dhinaca waxbarashada iyo caafimaadka laga taageero shacbiga Somaliyeed ee burburka iyo colaadu aafaysay.
Halkan kadaawo Sawiraddii laga soo qaaday Kalfadhigii 4aad ee JDA: