Wariyaha Godeynews ee Jigjiga ayaa sheegaya in M/weynaha Kililka mudane Abdullaahi Hasaan Lugbuur looga yeeray xafiiska raisul wasaraha taasoo sida la sheegayo kuleg leh dhawr arimood oo isku dhex jira.
Waxaa lasheegaya inay midda ugu muhiisman kulug leedahay sidii si degdeg ah loogu fulin lahaa go,aamidaii ay todabadkii hore isla qaataan guurtada ismaamulka soomaalida iyo raisul wasaaraha. Kulankaasoo ku wajahnaa sidii congrees weyn loogu sii dhamaystiri lahaa hawlahii nabadeed ay guurtadu inta badan ku hawlanaayeen.
Waxaa kale oo iyadana wax laga weydiinayaa qaabka iyo sida ay illaa iyo hadda u wada shaqaynayaan xubnaha guddiga fulintida ee xisbiga Kililka soomaalida ee meelihii laga soo doortay jooga iyo ciidamadan cusub ee hadda kusugan meelo fara badan oo deegaanka ah.
M/weynaha ayaa waxaa laga filayaa in isaga iyo guurtadu ay isku mar kasoo baxaan magaalada Addisababa maalinta khamiista ah ee bishu tahay(08/06/06), iyagoo wada imaan doono JigJiga.
Kadib waxaa lasii sheegayaa inay usii wada gudbi doonaan magaalooyinka waaweyn ee ismaamulka Soomaalida Ogaadeeniya si ay shicib weynaha ugala hadlaan waxii ay isla soo gorfeeyeen raisul wasaaraha iyo waliba waxii ugu qabsoomay hawlihii ay inta badan kujireen ee nabadgalyada.