Abdiwahaab Maxamed Yusuf (Bujulaa) madaxa hay'adda RDA oo shacabka reer Godey godob ka galay, balse aysan mudnayn in lasii buunbuuniyo.
Waxaa in muddo ah oo ka badan 6 bilood lagu hawlanaa sidii ay hay'adda (RDA) oo hadda kahor kaalmo gaarsiisay isbitaalka magaalada Qabridaharre ay alaab kale oo kaalmo ah u gaarsiin lahayd isbitaalka guud ee magaalada Godey. Hadaba si ay arintaas usuurta gasho waxaa in badan si wadajir ah hawshan uga wada shaqaynayay madaxda wasaaradda caafimaadka Godey, masuul hay'adda ah iyo waliba jaalliyadda Godey ee UK.
Isbitaalka Godey waxaa uu isbitaal u yahay oo si xad dhaaf ah u isticmaala dadka kunool 7da degmo ee Gobalka Godey kakooban yahay iyo waliba goballada ku xigxiga oo aan isbitaallo fiican lahayn. (Save the children Uk ayaa xiligii hadda abaarta qoraalkeeda ku sheegtay inuu isbitaalka Godey xarun u yahay dad kabadan 400-500kun qof).
Dhinaca kale Jaalliyadda reer Godey ee UK ayaa waxay 4 bilood kahor sii diyaariyeen waxii kharash ah ee ku bixi lahaa alaabtaas. Waxay kalooy suurta geliyeen inay bixiyaan waxii kharash ah ee isla hay'adda (RDA) oo sharcigeedu ka dhacsanaa gudaha Ethiopia sidii dib loogu shariciyeen lahaa. Sidoo kale waxay booliska Godey lacag kaga furteen inay kasii dayaan nin wallaalo lah xubnaha hay'adda nin kamid ah oo Godey onlfnimo lagu dacweeyay.
Hadaba maxaa sababay inuu C/wahaab Bujulaa oo isaga iyo hay'adiisa intaas loo sameeyay lana sharfay inuu alaabtii markii ay imaatay Diridhabo u la imaado qodob cusub oo hor leh "waxaan u wada qaybinayaa magaalooyinka Godey iyo Dhagaxbuur."
Mar ay Godeynews xariir lasoo sameeyeen xubnihii inta badan ku hawlanaa hirgelintan hawshan ayaa waxay ku tilmaameen go,aanka C/wahaab mid aad loola yaabo oo xilkasnimo xuma ah, isla markasna meel kudhac weyn ku ah bulsha weynta reer Ogaadeeniya ee badankoodu hadda magaallo ahaan ugu sugan yihiin Godey. Sida magaalooyinka kale Godey ma aho magaallo qoys waana magaallo madaxdii Ogaadeeniya waana magaalada kaliya marka laga reebo JigJiga ee maanta soomaalida Ogaadeeniya inteeda kale ay si wada jir ah u wada degan yihiin (Cosmopolitan city.)
Dhinaca kale waxay xubnahan la yaabeen qaabka iyo sida xadgudubka ah ee websiteka Xaajo.com loogu soo qoray, markii lagu sheegay inay reer Godey saluugeen kala qaybsigii alaabta iyaga iyo reer Dhagaxbuur.
Websitka Xaajo.com waxuuna marnaba qoraalkiisa kusoo daran sababta keentay in alaabtii usocotay Isbitaalka Godey loo wareejiyo Dhagaxbuur. Maadaama isla websitkan laftigiisu u hadda kahor soo qoray in alaabtaas ay Godey kusocoto, jaaliyadii reer Godeyna ay diyaar u tahay waxii kharsh ah ee ku baxaya alaabtan.
Inkastoo u madaxa hay'adaas iyo inta la shaqeysaba ay qaab aan qurux badanayn u dhaqmeen oo hadana ay wax hay'addo ajnabi ah qaab cawaamid ah looga soo qaaday ay dhex geliyeen arimo siyaasadeed iyo wax yaabo aan ka fogayn oo raqiis ah. Balse arinkan marnabo ma noqonayo mid lasii bunbuuniyo oo siyaabooyin kale oo looga faa'iidaysto si layskaga horkeena dadka walaalaha ah ee ku dhaqan deegaanka .
F.G: Websiteka "Wabishabeele.com" ayaa qoraalkan ka qoray arintaas gafka ah ee hoos ka akhri.
Abdiraxman Maxamed Yusuf oo Looga Dhawaaqey Inuu Godey ka Yahay Persona non-grata (Qof anan laga dooneyn Godey)
Godey, 6/03/2025 - War aynu ka helney magaalada Godey ayaa sheegayo in ururka dhalinyarta magaalada Godey ay maanta kaga dhawaaqeen halkaas in Abdiraxman Maxamed Yusuf ka yahay �Persona non-grata.�
Warka ayaa wuxuu intaasi ku darayaa in dhalinyarta Godey iyagoo ka xun isbaarada uu Abdiraxman Maxamed Yusuf oo ah madaxa hey�ada RDA u dhigtay alaab hey�ad Dannish ah ugu deeqtay Cisbitaalka magaalada Godey ay maanta oo ahey taariikhdu tahay 6/3/2025 wixii ka danbeyaa uu ninkaas ka yahay gobolka Godey gaar ahaan magaalada madaxdiisa �Persona non-grata,� oo Micnaheedu yahay ruux aanan laga dooneyn Godey.
Dhalinyarta oo marki ay maqleen in alaabti loo waday cisbitaalka Godey uu Abdiraxman u leexiyey cisbitaalada Dhagaxbuur iyo Dhanaan isagoo ay qaaday cadiifad ayey dhalinyarta magaalada waxey isugu yimaadeen kulan ay arinta kaga doodeen iyagoo sida wararku aynu ku heleyno go�aamadooda gaarsiiyey saldhiga booliska, kan gobolka iyo kan dagmadaba.
Sidoo kale dhalinyarta waxey qoraal ku saabsan arintan gaarsiiyeen xafiisyada ku simayaasha degmada iyo kan gobolka, iyadoo hada magaalada ay ka maqan yihiin madaxdi oo holgalo ciidan ugu maqan deegaamada uu ka kooban yahay gobolka Godey.
Dhalinyarta ayaa muujiyey sida ay uga xun yihiin in sidaas uu u dhaqmey ina Maxamed Yusuf iyadoo alaabti hore oo loo wadey Qabridahar si fudud ku gaadhay meeshi loo rabay iyadoonan wax faragalin ah lagu sameyn halka tan oo loo wadey magaalada Godey oo ah magaalada ugu weyn Ogadenya uu u doorbidey inuu u wixi loo wadey isbaaro u dhigto islamarkaana u kala qeybiyo Dhagaxbuur iyo Dhanan isagoo ka duulayo cadiifad raqiis ah.